Qaramada Midoobay oo sheegtay in Al-Shabaab ay qatar ku tahay amaanka geeska Afrika.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha koowaad ee gudiga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Mudane Cumar Jamaal oo wareysi Siiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulanka QM ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay isku raacday in si deg deg ah wax looga qabto xaaladda murugsan ee dalka Somaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa waxay sheegtay inay  sii dardar gelin doonto gargaarka Somaliya ay ka awado iyo dhinaca Milatariga oo wax  looga Qabvanayo amaanka Somaliya.

Dhanka  Kale Mudane Cumar Jamaal ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in shacbka Soomaaliyeed ay wax u qabato, wuxuuna tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka taagayrayaan sidii ay si deg deg ah dalka ugu saari lahayd dagaalyahanada Al-Shabaab.

Hase yeeshee Mudane Cumar Jamaal  ayaa sheegay in Q.M ay dhawaan Qalabeyn doonto Ciidamada  Amisom, waxaana uu carabka ku dhiftay in Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay wax ka qabato dhibaatooyinka Al Shabaab ay ka gaysanayaan gudaha dalka Soomaaliya, balse Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay wax ka qabato xaalada amaan iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu danbeynti Q.M Midoobay ayaa waxay Caddeysay in Al-shabaab ay qatar Ku yihiin amaanka Geeska Afrika, islamarkasna loo baahan yahay in laga hortago.

SomaliSwiss        New York

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: