Hogaamiyihii ururka Al-Shabaab Axmed Godane oo ku dhaawacmay Qarax Miino.

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha Koowaad ee Ururka Al-shabab Axmed Godane iyo kolanyo gaadiida ah oo galbineysay ayaa xalay la’la beegsaday qarax miino dhulka lagu aasay, waxaana la sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen laba ka mida ciidankiisa waxaana ku burburay gaarigii uu saarnaa  Hoggaamiye Axmed Godane.

Sidoo kale qaraxan miinada ah  ayaan weli la cadeyn cida ka dambeysay, hase yeeshee ilo wareedyo ku dhowdhow Maamulka Xarakada Al-shabaab ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday darawalkii khaaska ahaa ee hogaamiyaha koowaad Al-shabab, balse waxaa la caaddeeyey inuu dhaawac fudud soo gaaray Axmed Godane.

Dhanka kale Warkan oo aanan weli la shaacin ayaa haddana wararku ay sheegayaan in midnimada ururka Alshabab uu wax soo gaaro, balse waxaa horey u jirtay khilaaf u dhaxeeya maamulka sare ee Alshabab, kuwaas oo laba garab u kala go’ay waxaana garabka uu hogaamiyo Abuu-Mansuur oo ayna ka mid yihiin Cali Dheere iyo Fu’aad Shongale ayaa aad u dhaliishan ciidanka gaarka ah ee loo yaqaan Xizbada oo uu si gaar ah u leeyahay Axmed Godane kuwaas oo ka wakiil aa khaarijinta shaqsiyaadka uu bartilmaadsado Axmed Godane.

Si kasta ha ahaate  Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Marka, waxaana la ogaaday in kolanyadan gaadiidka ah ee uu la socday Axmed Godane ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo, halkaas oo kulamo kula qaadan lahaa saraakiil kale oo sarsare oo ka mid ah dadka ajaanibta ee u soo dagaal tagtay dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss         Marka

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: