Dowladda Iiraan oo Shariif Xasan Sh. Adan u soo dhiibtey Malaayiin Doollar oo Soomaaliya looga fulinayo Qorshayaal sir ah. (Xog Hoose)

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Adan oo dhowaan booqasho ku tegay dalka Iiraan isla markaana kulamo kala duwan lasoo yeeshay madaxda dalkaas ugu sareysa ayaa dhamaadkii is aragyadaas loo soo dhiibay, dhowr milyan oo dollar, si uu u fududeeyo, saddex mashruuc oo si qarsoodiya ay Iiraan doonayso inay uga fuliso dalka Soomaaliya.

Sida ay SomaliSwiss ugu xog warameen qaar ka mid ah wafdigii Shariif-ka safarkaas ku wehliyay oo aan magacooda qarinnay sababo amaankooda la xiriira, waxaa Shariif Xasan Sh Adan iyo madaxda dalka Iiraan kusoo heshiiyeen inuu ka caawiyo sidii ay Tehraan ugu Suurta geli lahayd saddex qorshe oo ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya, taas oo midkood hore u socday, haatanna lagu soo kordhiyay mid kale.

Ilo wareedyadaas ayaa ku warramay in mid ka mid ah qorshayaashaas uu ahaa; in Shariifku dowladda Iiraan ka gacan siiyo dhinaca nabad gelyada duulimaadyo diyaaradeed oo ay doonayso inay Soomaaliya ka samayso, kuwaas oo aan la shaacin, waxa ay samaynayaan.

qorshaha Labaad ayaa lagu sheegay in Shariifka laga doonayo inuu u gogol xaaro isla markaana fududeeyo, qorshe qarsoon oo ay Soomaaliya ku imaanayaan saraakiil nabad gelyo oo Iiraaniyiin ah kuwaas oo la doonayo, in lagu soo dhaweeyo Soomaaliya, iyagoo huwan magac Hay’ad gar gaar, hase yeeshee qorshaha saxda ah uu noqon doono mid la xiriira arrimo ciidan iyo kuwa sirdoon.

Ilahaas u warramay SomaliSwiss waxay shegayaan, inuu jiro barnaamish saddexaad kaas oo muddo ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya, hase yeeshee, ilahaasi waxay hadalkooda kusoo koobeen inuu yahay kan ugu qatarta yar, in kastoo uu salka ku hayo waxyaabo la xiriira Nukliyeer.

Ila wareedyadaas waxay cadeeyeen in Shariifku kulammo uu la yeeshay madaxda dalkaas ugu sarreysa oo dhan ka dib laysku afgartay dhammaan wixii laga wada hadlay, sida loo fulinayo iyo goorta la qabanayo intaba, waxayna ila wareedkaasi sheegeen in Gudoomiyuhu Tehraan kala soo tegay lacag gaareysa $2,500,000, (Laba Milyan iyo Shan boqol kun) taas oo la sheegay in diplomaasiyiin Iiiraaniyiin ah ay ku shubeen 5 waddan oo kala duwan oo ay qaarkood carabaabeen masuuliyiinta noo warrantay.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: