Ciidamada Amisom ee Burundi oo Qarax xoogan lagula beegsaday wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Maanta duhurnimadii ayaa waxaa qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee Midowga Afrika ee howlaglka nabad ilaalinta ka wada magaalada Muqdisho xili ay marayeen Kulayadda Jaallo siyaad.

Waxaa kolanyo gaadiid ah oo ay lahaayeen ciidamada Burundi oo ku sii jeediyay kulyadda Jaalle Siyaad ayaa waxaa qarax lagula beegsaday Barqanimadii maanta nawaaxiga Haanta dheere ee wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa wali si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ahaa Qaraxaas sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaas uu saameeyay gaari ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ee qaraxa loo dhigay, waxaana saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen inay arkayeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo uu qaraxu wax gaarsiiyay.

Balse ilaa haatan ma cadda khasaaraha dhabta ah ee qaraxu uu gaarsiiyay ciidamada AMISOM, hase ahaatee  saraakiisha ciidamada AMISOM oo warbaahinta la xariirtay ayaa ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan qaraxa  maanta ciidamadooda lagula beegsaday wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale lama oga cid ka danbeysay mas‘uuliyadda qaraxa lagu weeraray ciidamada AMISOM hase ahaatee wuxuu qeyb ka noqonayaa qaraxyo wadada warshadaha dhowr jeer  ay Xarakada Al-Shabaab a kula eegteen ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee waxaa nasiib wanaag ah in Qaraxii maanta uu wax saameyn ah ku yeelan isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha wadada warshadaha oo ah wadada kaliya ee isku xirta degmooyinka ay ka kala taliyaan dowladda KMG iyo Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: