Ahlu Sunna Waljameca ee gobolada dhexe oo ugu hanjabtay Xarakada Al-Shabaab in ay dagaal uga saari doonaan gobolkaasi.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Ahlu sunna Waljamaca ee Gobolada Dhexe C/risaaq Maxamad Cali ayaa ugu hanjabay Xarakada Al-shabbaab  inay Dagaal ay uga saari doonaan Gobolada dhexe gaar ahaan Meelaha ay Kaga Sugan yihiin Gobolka dhexe.

Afhayeenka Ahlu sunna oo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu yiri: ” Shabaabku wey sii kordhiyeen dhibaatada ay ku hayaan Shacabka mana ahan arintaasi loo dul qaadan karo, sidaa darteed waxaan qaadeynaa dagaal aan uga saarayno Al-Shacabka Loga dhibaatada ayaan Ku “.

Hase yeeshee wuxuu Afhayeenku  Ku Hanjabay  in indhaha laga fiirsan doonin dhibaatada ay Al-Shabaabku ku hayaan Shacabka, islamarkasna ay Ahlu sunna u diyaar gorowday dagal hor leh oo lagu soo Afjaraayo dhibaatada ay maleeshiyada Al-shabaab ku hayaan guud ahaan dalka.

Sidoo Kale waxaa ugu danbeenti  ugu baaqay Hey’adaha Samafalka iyo Somaalida wax heysta in ay gargaar ay la soo gaaraan dadka sameynta Ku yeelatay Abaaraha dalka ka jira iyo dagaalada Ka socda magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: