Advertisements

Siminaar u socday Odayaal dhaqameed iyo dhallinyaro oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalda  Muqdisho ayaamahan ka socday Siminaar ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayeen odayaasha dhaqanka iyo dhallinyaro, waxaa kaloo  ka soo qayb galeen  saddex degmo oo ka tirsan G/Banaadir,  Siminaarkan waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Madasha Bulshada (CCD).
Munaasabadda furitaanka Seminaarkan waxaa khudbooyin kala duwan ka jeediyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka KMG ah, Culumaa’udiinka Ahlu Sunna, Waxgarad iyo Duubabka dhaqanka. 

Ugu horeyntii waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay Wakiilka Imaamka Nabadoon Islow Maxamed Yuusuf  wuxuuna u mahad celiyay madaxda iyo maamulka Hay’adda Madasha bulshada CCD oo uu sheegay inay u istaagtay sidii qeybaha shacabka Soomaaliyeed uga tashan lahaayeen arrimahooda, isla markaana uga hortegi lahaayeen wax kasta oo dhaawici kara dadnimadooda iyo Qaranimadooda.

Sidoo kale  waxaa  munaasabadaas ka hadlay Xildhibaan Cali Yuusuf Xasan (Cali Ganey) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Baarlamaanka KMG ah, hase yeeshee wuxuu ku dheeraaday su’aal ku saabsaneyd Calanka Soomaaliya, ayaa sheegay in calanka loo soo galay halgan dheer loona huray naf iyo maal, sidaasi darteedna aanay suuragal ahayn in lagu bedelo calan madow oo ay dalka keeneen kuwo dembiilayaal ah oo ka horjeeda jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Ganey oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:  “Nimaan wadanka wax ku lahayn wixii uu rabo ayuu ka sameynayaa”, wuxuuna raaciyey  inaan marnaba la qaadan karin in niman ajnabi ah ay yiraahdaa calankeenii mid madow ayaan ku bedeleynaa, isagoo sheegay in arrintaasi ay u taallo dhallinyarada Soomaaliyeed ayna kahortagaan, wuxuuna sheegay in nimanka ajnabiga ah ay ku jiraan dabaq hoose, isla markaana dhallinyarada ay ku dhahaan dagaalka gala.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cali Warento oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xooga maanta iyo madaxda berrito, waxa uuna Xildhibaan Warento tilmaamay in Qaranka Soomaaliyeed ay samatabixiyeen 13-dhallinyaro, sidaasi darteedna waxa uu sheegay in dhallinyarada maanta looga fadhiyo inay doorkaasi dib u soo celiyaan oo dalkooda ugu istaagaan sidii ay u soo celin lahaayeen sharaftii ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Xildhibaan Xasan Cali Warento ayaa dhallinyarada ku booriyay inay janada ku jirto dalkooda inay ka difaacaan cadowga ku soo duulay, balse naarta lagu gelayo inaad dadka disho, dhacdo, waalidkaa barakiciso iwm, isagoona kula dardaarmay dhallinyarada inay midnimadooda muujiyaan si ay u soo celiyaan heybadii iyo qaranimadii Soomaaliyeed ee luntay, wuxuuna ka codsaday caalamka inay Soomaaliya ku taageeraan dib u celinta sharciga, qaranimadeeda iyo dowladnimadeeda.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Sheekh Muuse Macallim Maxamed (Sh. Muuse Cagaweyne), Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo khudbadahooda uga hadlay dhallinyarada maanta iyo kaalinta looga fadhiyo inay ka qaataan samatabixinta dalkooda iyo dadkooda, waxayna sidoo kale uga hadleen xaaladda adag ee maanta dalka uu ku jiro sida ay lagama maarmaanka u tahay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, la wacyi geliyo dhallinyarada lagu shubay fikradaha qaldan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: