Shirkadda xawaalada Dahabshiil oo ay dhac xoog leh u geysteen Rag ku hubeysan Bastoolado.

Halkaan ka akhri

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa dhac xoog leh u geystay Xawaalada Dahabshiil laanta  ay ku laheyd Suuqa Bakaaraha ee Cabdalla Shideeye, waxaa la sheegay in kooxda hubeysan ay qaateen wixii lacag ee yaalay Laantaas. Warar  sheegaya in dhacan ay geystay ilaa saddex ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo galay xarunta Idaacada, kadib markii ay ku qabteen Bastoolado ilaalada iyo ninkii lacagta bixinayay.

Sidoo kale Warku wuxuu intaas ku darayaa in Kooxdan Hubeysan ay la tageen lacago gaaraya kumanaan doolar, inkastoo aanay inoo suura gelin inaan helno tirada lacageed oo rasmiga ah ay dhaceen Kooxdan.

Dhanka kale Goobta wax lagu dhacay ee nimankan ku boobeen hantidii tiilay Xawaalada ayaa ilaa haatan buuqsan oo dadweyne fara badan ay ku soo xoomeen, kadib markii kooxihii gudaha u galay ay ka soo baxeen.

Hase yeeshee lama sheegi karo ilaa iyo haatan cida ay ahaayeen kooxaha dhaca u geystay Xawaalada, balse waxaa la aaminsan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, waayo waxaa la rumeysan yahay in Bakaaraha ay kal taliso xarakada Al_Shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay Sanadkii la soo dhaafay ayaa marar badan dhac loo geystay Shirkadaha xawaaladaha ee Suuqa Bakaaraha, kaasoo kooxihii dhacay oo ka tirsanaa Shabaab qaarkood la xukumay, qaar kalena ay ka soo baxsadeen, waxaana kooxdaas wax dhacday loogu magacaabaa “qaatayaasha“.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: