Advertisements

Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich oo Shalay galab lagu soo gabagabeeyey Muxaadaro Silsilad ah oo dhowr maalmood Socotay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa galabnimadii Shalay si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Majidka Turkiga ee ku yaala magaalada Zürich ee wadanka Switzerland Muxaadaro Silsilad ah oo dhowr maalmood Socotay, Muxaadaradan ayaa waxaa soo jeedinayey Sheikh Cabdulqaadir oo ka yimid dalka Ingiriiska.

Sheikh C/qaadir ayaa si faahfaahsan uga hadley dhinacyadii kale duwanaa ee Muxaadarooyinkii Silsilada ahaa ee ayaamahan uu siinayey Somaalida ku dhaqan magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

Sidoo kale duruustii kale duwanayd ee Sheikh C/qaadir ayaa Soomaalida ku nool Kanton Zürich si fiican uga faa’ideystay, waayo sheikhu wuxuu si aad uga hadlay qodobo la xiriira nolosho qurbaha, gaar ahaan dadka Muslimka ee ku nool wadamada loo soo haajiray ee Gaalada ku badan.

Hase ahaatee Sheikh C/qaadir waxay Muxaadaradiisa guud ahaan ay ka hadlaysay arrimahan:-

–   In Ilaahey si dhab ah loo talo saarto.

–    Camalka oo laga run sheego.

–    Ilaahey oo lagu kalsoonaado Xilliga dhibta & Barwaaqadaba.

–    In la Yaqiinsado in Guushu ay u danbeyneyso Muslimiinta.

–    Qofkii Ilaahey doono inuu Xafido inuu Ilaalinayo.

–     Sabirka oo la kaashado Xilliyada Adag.

–     Qofkii Ilaahey dartii wax uga tago inuu badel ka kheyr badan ugu badelayo.

–     Kala qeybsanaanta Umada dhexdeeda ka jirta.

–     Qofka oo Hawadiisa iska raaca.

–  Niyada oo Fasaada oo Dariiqa Saxda ah ka weecata.

–   Kala qeybsanaanta Umada dhexdeeda ka jirta.

Sheikhu waxa uu ka hadley Xilligii Madiina, waxa uuna si gaar ah u tilmaamey Acmaashii kale duwanaa ee nabigu ka howl geliyay, sida Walaaleynta Muhaajiriinta & ansaarta, Isku xirka Qabaa’ilka, heshiisyadii uu la galey Qabaa’ilkii Yuhuuda ee Madiina degenaa, Xaalada Ragii Asxaabta Nabiga CSW ka mid ahaa ee loo yaqaaney ahlu Sufa.

Wuxuu Sheikhu ka hadlay xaaladda Muslamiinta Soomaaliya iyo dagaalada ka socda, wuxuuna sheegay in Kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya dhowr jeer laga wacyi geliyey inay joojiyaan dagaalada ku daadanay dhiigga qofka Muslimka, wuxuuna Caddeeyey in Wufuud Culuma isugu jirta Caalamul Islaam iyo kuwa Soomaaliyeed ka socota ay tageen soomaaliya, balse waxaa nasiib darro ah in la qaadan waayey waanadooda iyo wacyi gelintooda.

Sheikh C/qaadir oo beryahanba ku sugnaa dalkan Switzerland ayaa wuxuu Muxaadarooyin aan kala gò lahayn ka soo bixiyey magaalooyinka Lausanne, Luzrn iyo magaalada Zürich.

Ugu danbeytii Sheikhu waxa uu muxaadaradiisa ku saabsaneed Alle ka Cabsiga, wuxuuna ka soo qayb galayaasha ku baraarujiyey in qof kasta lagula xisaabtamayo xaaladda uu ku dhinto,Tusaale ahaan isagoo qofka uu dhex jiro Cibaadeysi ama Macsiyo, sidoo kale wuxuu sheegay in Alle ka Cabsigu uu qofku ku ilaalin karo Naftiisa, wuxuuna sheegay in Allaah uu Adoomadiisa uu Dulmin balse ay iyagu naftooda dulmaan, sidoo kale Nabigeennu Suubanaa CSWS wuxuu Umaaddiisa u kala caddeeyey Wadada toosan uu qofka ku mutaysanayo sidii Jannada u geli lahaa iyo Wadada qofka ku mutaysan karo inuu galo Cadaabta.

Di kasta ha ahaatee Sheikh Cabdulqaadir wuxuu Soomaalida kula dardaarmay inay qabsadaan xariga Ilaahay, midnimadoodana ilaaliyaan, wuxuuna Soomaalida ugu duceeyey kheyr badan.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: