Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo qeybisay xoolo Zaka ah oo tiradoodu ay gaareyso 29.434 Neef oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Maamulka Xarakada Al-Shababaab ay u qeybisay dadka ku dhaqan nawaaxiga laga xukumo magaalada Baydhabo ee goboka Bay, xoolo tiradooda ay gaareyso 29434 Neef oo isugu jira Geel Lo’iyo Ari ,waxayna kala yihiin Ari 26961  Neef. Geela 2223   neef ,waxaana ka sii badan inta laga qeybinayo dagmooyinka iyo Gobolada kale.

Munaasibadii lagu qaybinayey Xoolaha Zakada ah ayaa waxaa ka hadlayey Sheikh Calaahi Macalin Maxamed Barre, wuxuuna sheegay in si isku mid ah loogu guda jiro soo uruurinta Zakada iyo qeybinteeda dhamaan wilaayaadka hoos taga Xarakada Al-Shababaab aysana jirin wax dhib ah oo bulshada shacabka ah ka soo gaarey.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay gacanta ku heysaa inta bada badan Gobolada  Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa si habsimi leh uga socoto qeybinta qeybaha kala duwan ee Zakada .

Xoolahan ayaa la sheegay in laga soo uruuriyay Zakadan Bulshada inteeda ee wax heysata sida: Xoolaha, Raashinka iyo lacago, iyadoo la siinayo dadka ceyrta ah, kuwa deymaha lagu leeyahay, iyo kuwa jilicsan ee aan awoodin in ay helaan nolol maalmeedkooda.

Sida Xarakada Al-Shabaab oo lagu eedeeyey inay u ka hor istaagtay gaargaarkii loo geyn lahaa dadka ku tabaaloobay Abaarata, hase yeeshee Xarakadu waxay haatan ay wadaa howlo isugu jira biyo dhaamin iyo qeybinta uruurinta Zakada.

xaflad lagu qabtay deegaanka Boonkaay ee duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa loogu qeybinayey xoolihii Zakada ahayd dadka ku ceyrtoobay Abaaraha iyo coloadaha dalka ka jira.

Dadweynaha deggan Magaalada Baydhabo ayaala sheegay in dareemeya sida ay uga qabsadeen howlaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka, dadka oo masaajida Camira, xilyada Salaadana xira goobaha Ganacsiga , dumarka iyo raga oo dhamaantooda ay ka muqato calaamadaha lagu aqonsado qofka muslimka ah, waana bulsho ay islaanimadu aad ugu weyn tahay,  iyadoo laga suuliyey waxyaabihii faaxishaadka ahaa iyo ciyarihii habeenada jimcaha laga cayaari jiray sida: Luumbiga iyo Cayaar dhaqameedyo kale oo ay caanka  ku ahayd magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegeen dadka xoolaha la soo qaaday inay iskood u sadaqeysteen, kadib markii ay fahmeen in xoolahooda Zeko ku waajibtay inay ka bixiyaan oo ay siiyaan walaahooda ceyrta ah ee aan waxba heysan, iyadoo Bulshada ku dhaqan Gobolada qaarkood ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha iyo colaadaha kuwaas oo qaarkood ku waayey eheladoodii iyo xoolahoodii, waana kuwo mudan in loo maciino sida aad ka dheehan kartaan muuqaalka sawirada oo qaarkood  aan bulshada u soo bandhigayno .

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta xarakada Al-Shabaab oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa  faahfaahiyey faaiidada ay leedahay bixinta Zakada aduun iyo akhiro iyo sida ay aduunyadu u tahay is daba yaal marna abaaro la galayo, marna barwaaqo la helayo oo ay beeruhuna buuxsamayaan xooluhuna ay helayaan biyo iyo baad ku filan .

Hase yeeshee Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhax jirta mudooyinkaan dambe  qeybinta Zakada oo aan iyadu xili laheyn waxayna sheegeen in ay tahay naftaada ka qaad naftaada u qaad, waxayna sheegeen in ay dhibka iyo abaaraha ku sabraan , in ay ummaddu isu gurmadaan dhaxdooda is caawiyaan.

Sidoo kale waxaa la qeybiyey lacago Zeko ahaan ay u dhiibeen ganacsato, waxaana la siiyey dadkii mudnaa oo helay lacago aysan filaneyn taas oo aysan horey u jirin lana bixin jirin xarakada ka horow.

Dhanka kale mas’uuliyiinta dagmooyinka Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay  inay ka socoto howlo loogu gurmanayo xoolaha iyo dadka haraadsan waxaana ka shaqo galay ilaa 24-booyadood oo deegaana fog fogo iyo dhulka Miyiga ah  biyo loogu geynayo qeysaska iyo xoolaha ku dhaqan waana markii ugu horeysay ee biyo dhaamin ka bilaabaan Al-Shabaab Goboladaasi.

Arintaa ayaa lagu macneeyey inay tahay isu gargaarid ay horseedayaan mas’uuliyiinta xarakada Al-Shabaab shacabkuna ay ku taageereen xoolahooda iyo maalkooda iyaga oo Alle agtiisa abaal marin ka sugayaan.

Si kasta ha ahaatee lama soo sheegin intii ay socoty qeybinta Zakada wax buuq ah ama dad ay dhibato ka soo gaartay howlaha bixinta xoolaha nool, lacagaha iyo dalaga beeraha ka soo go’ay, iyadoo dadkii qaarkood  ay sheegeen inay horay  u ahaayeen dad ceyr ah oo aan waxba heysanin hadana ay yeesheen xoolo taasna Alle ay uga mahadcelinayaan.

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: