Maxkamad ku taala magaalada Mukala ee Koonfur bari dalka Yemen oo xukuntay burcad badeed Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Maxkamad ku taala magaalada Mukala ee dalka Yemen ayaa xakun ku riday 13 dhallinyaro oo  ka mid ah kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, oo lagu eedeeyay in ay qafaasheen labo doonyood oo laga lahaa dalka Yemen, waxaana qofkiiba lagu xukumay 12-sano oo xariga kadib markii lagu helay dambi burcad badeednimo.

Burcad badeed Soomaalida ah  ayaa Maxkamadayntoodu bilaabatay bishii Oktoobar ee sanadii hore, waxayna Maxkmadda ku heshay dambi ah inay afduubteen labo doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaasi oo mararyay gacan biyoodka Cadmeed.

Sidoo kale Maxkmadda ayaa Burcaddan ku eedaysay in ay doonayeen in doomaha ay qafaasheen in ay ku weeraraan Maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha gacan biyoodka Cadmeed ilaa bad wayn India.

Dhanka kale Kooxdan burcad badeeda Soomaalida ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay bishii May ee sanadkii tegay 2010, kadib markii ciidamada ilaalada badda ee dalka Yemen howlgalo ay ka fuliyeen meelo ku dhow dhow xeebaha Jasiiradda Suqodra.

Hase yeeshee sida la wada ogsoon yahay 18-ka bisha May 2010ka ayaa waxay Maxkamad ku taala magaalada Sanca ay dil toogasho ku xukuntay burcad badeeda Soomaalida, waxaana sidoo kale 6-kale ay ku xukuntay mid 10-sano oo xarig ah.

SomaliSwiss    Cadan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: