Advertisements

Madaxa golaha culimada Soomaaliyeed oo Al-Shabaab ugu baaqay in ay muddo lix bil ah joojiyaan dagaalada.

Halkaan ka akhri

Madaxa Golaha culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay kooxda al-shabaab inay muddo lix bil ah dagaalka joojiyaan si dadka abaarta saameysay gar-gaar loo gaarsiiyo.

Sidoo kale Sheikh Bashir Axmed Salaad ayaa ka codsaday al-shabaab in ay codsigaas tix giliyaan si ay ugu fududaato hey`adaha gar-gaarka in gar-gaar gaarsiiyaan dadka ku dhaqan gobolada dhexe iyo kuwo koonfureed.

Hase yeeshee baaqan ayaa soo baxaya xilli dhibaatoyinka ka dhashay abaaraha ay sii xoogeysanayaan .

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda waqti sii horeeyay beesha caalamka ugu baaqday in dadka ku tabaaloobay gar-gaar lala soo gaaro, balse waxay ku eedeysay Ururka xaraka Al-Shabaab in ay hor taagan yihiin in la gar-gaaro dadka abaartu ay halakeysay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: