Advertisements

Dadweynaha Koonfurta Sudan oo maanta u dareeray u codeynta in ay ka go’ayaan Sudan iyo in kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta oo ku beegan tahay 9-ka Janaayo ay dadweynaha  Koonfurta Sudan ay u dareereen inay  u codeeyaan inay ka go’ayaan Sudan inteeda kale oo ay noqonayaan dal madax banaan iyo in kale, waxaana aad loo dhowrayo go’aanka shacabka ku dhaqan Koofurta HAA ama MAYA.

Sida la wada ogsoonyaha dalka Sudan ayaa  ah dhulka ugu ballaaran Qaaradda Afrika ayaa waxay maanta indhaha iyo dhegaha Caalamka ka maqli doonaan amaa ay ka daawan doonaan, sida ay ku danbeeyn doonaan, kaas oo laga filanayo inay noqoto Koofurta Sudan dalkii 193aad ee Caalamka, halka Afrika uu ka noqdo dalkii 54aad.

Dadka ku nool Koonfurta Sudan waxay intooda badan qabaan inay noqdaan dal madax banaan oo ka go’a Sudan inteeda kale, kadib ra’yi uruurin la sameeyay, waxay maanta u dareereen Codbixinta.

Wariyeyaal ka socda warbaahinta Caalamiga ayaashalay ilaa saakay ku qul qulayey Magaalada Jubba si ay goob joog uga noqdaan aftida loo qaadayo madax banaanida Koofurta Sudan, oo isha lagu wada haayo.

Magaalada Jubba waa Caasimadiisa Koofurta Sudan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha lagu sharaxay calamaado iyo tusaaleyn u muuqday inay noqonayaan dalkii 193aad, taasoo iftiimineysa natiijada maalinta maanta ka soo bixi doonta aftida loo qaadayo.

Madaxweynaha Sudan Col. Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhowaan booqday Magaalada Jubba ayaa ka digay kala qoqobka lagu sameynayo Sudan, isagoo xusay hadii shacabka Koofurta ay cod u qaadaan inay madax banaanaadaan ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Hase yeeshee waxaa jira  cabsi iyo wal-wal laga muujinayo waa haddii Koofurta ay go’aansato inay gooni u go’do sida labada dhinac u qeybsan doonaan Kheyraadka, gaar ahaan Gobolka Saliida hodanka ku ah ee Abyei iyo Wabiga Nile, taasoo keeni karaan dagaalo ama xiisado isu furan labada dhinac ee kala qeybsamay.

Gobolada waqooyi ee Sudan ee qalalan waxaa u badan oo degan dadka ku hadla Carabiga ee Muslimka ah, balse Koonfurta ayaa waxaa ka jiro dhaqamo badan oo kala duwan, ha yeeshee  waxaa u badan dadka Dinkas iyo Nuers sidoo kale dadka ku nool Koonfurta Sudan ayaa ah qowmiyadaha ugu balaaran ee in ka badan 200 qowmiyadood, oo mid walba ay leedahay dhaqan ay aaminsan yihiin iyo luqad.

Dhanka kale Sudan waxay dhoofisaa saliid ku kacaysa balaayiin dollar sanadkii Gobolada koonfureed waxa ay soo saaraan 80% oo ka mid ah saliiddaasi, hase ahaatee  waxay heshaa oo keliya 50% dakhliga, taasi oo sii kicineysaa xiisadda ka dhaxeysa Waqooyiga, Gobolka saliida qaniga ku ah ee Abyei waxa uu qabanayaa afti uu ku go’aansanayo inay ku biiraan waqooyiga ama koonfurta.

Sida uu sheegay Gudiga qaban qaabada cod bixinta waxaa  lagu wadaa in maanta ay codeyn doonaan saddex milyan qof, si ay dhiibtaan aftida loo qaadayo in Koonfurta gooni u go’do iyo in kale.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynihii hore Mareykanka Jimy Carter ayaa la sheegay inuu  kor ka eegaya cod bixinta iyo aftida loo qaadayo Koofurta Sudan, isagoo warbaahinta la hadlayay waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in dadka Koofur ay codkooda dhiiban doonaan.

SomaliSwiss    Jubba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: