Advertisements

Daanyeerro u socdo raxan, raxan oo weeraray Tuulooyin hoos taga degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose

Halkaan ka akhri

Daanyeerro u socdo raxan, raxan ayaa shalay weerar ku qaaday Tuulooyin hoos taga degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, kadib markii ay ka waayeen meelihii ay ku noolaayeen biyo ay cabaan iyo baad ay cunaan, taasoo ay saameyn ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.

Sida lagu soo warramay Barqanimadii Shalay ayaa Raxan Danyeerro ah waxa ay weerar ku soo qaadeen Tuulo ay ku sugnaayeen dad abaarta darteed uga soo barakacay deegaanadii miyiga ahaa ee ay ku noolaayeen, kadib markii xoolihii ay abaarta ka dishay

Qaar ka mid ah Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen Danyeerro farabadan ay weerar ku soo qaaday tuuladaasi, mana jirin wax dhaawac ah oo ay geeysteen, base waxay boobeen biyo iyo raashin, waxayna jeexjeexeen caagaggii biyo ku jireen, hase ahaatee dadkan ayaa waxay  taasi sabab ugu dhigeen abaarta iyo biyo la’aanta ka taagan deegaanka.

Sida laga warqabo dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan Abaarta ay saameysay dadka iyo duunyada ku nool guud ahaan dalka, waxaana laga deyrineyaa nolosha kumanaan qof oo Miyiga ku nool, kadib markii abaartu ay galaafatay xoolihii ay dakaasi dhaqan jireen.

SomaliSwiss    Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: