Advertisements

Afhayeenka Ciidamada Booliiska oo sheegay in ay howlgallo ka bilaabeen xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed G/Sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ay howlgallo dheeraad  ah oo amaanka lagu sugayo ay ka bilabayaan xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir, halkaas oo habeenadii la soo dhaafay ay ku soo bateen falal amnidarro ah.

Afhayeenka ayaa  maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna ka warramay falal amaandari ah oo ku soo badanayeen deegaanka Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir, isagoo sheegay in habeenkii xalay Bum gacmeed lagu weeraray guri uu lahaa nin rayid ah, kaasoo loo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu intaa ku daray in falalka noocan oo kale ah ay habeenadii ugu danbeeyay ku soo badanayeen deegaanka Buullo Xuubeey, waxana uuna ku eedeeyay falalkaasi in ay ka danbeeyay maleeshiyaadka Shabaab, isagoo tibaaxay in qaraxyadaasi lala beegsado guryaha ay deganyihiin dadka rayidka ah.

Hase yeeshee  G/Sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa wuxuu ku celceliyay in ciidamada Booliisku ay howlgallo dheeraad ah ka fulin doonaan deegaankaasi si loo soo celiyo nabadgelyadii lagu yaqaanay deegaankaas, wuxuuna ka codsaday dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: