Advertisements

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobjay Ban Ki-Moon oo ku taliyey in talaabo Militari loo adeegsado xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

New York – Warbixin qoraal ah ee uu soo saaray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobjay Bank-Moon oo loo gudbiyay golaha amaanka ayaa wuxuu kaga hadlay xaalada guud ee dalka Soomaaliya wuxuuna warbixintaas uu ku sheegay in lagama maarmaan ay tahay in awood Milatari ah loo adeegsado Xarakada Al Shabaab.

Mr. Ban Ki-Moon ayaa beesha Caalamanka ugu baaqay in dowladda KMG Soomaaliya la gaarsiiyo taageero deg deg ah oo dhinaca Milatariga ah si logu hortago qatarta Shabaab iyo dagaalyahanada Ajaaniibta ah oo gabaad ka dhigtay Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobjay oo ka hadlayey xaaladda Amaan ee dalka Soomaaliya wuxuu Warbixintiisa ku yiri: “Amaanka waa arinta ugu daran ee hortaagan Hay’adaha Federaaliga ah ee dowladda” wuxuuna Warbixintiisa ku soo qaatay heerarka uu soo maray dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ee socday mudada 20-ka sano ahayd.

Ban Ki-Moon wuxuu kaloo uu sii raaciyey ee uu yiri: “Joogi taanka dagaalyahano manyal adag oo ajaaniib ah gudaha Soomaaliya, waa qatarta ugu daran ee gobolka geeska Afrika ee xiligaan soo wajahaysa, taasi oo ka dhigi karta furunta 2’aad dagaalka Aargigixisada Caalamiga ah”.

Hase yeeshee Mr. Bank-Moon wuxuu Caalamka uga baaqay, kuna adkeeyey in taageero Milatri, mid maaliyadeed iyo mid lojistik ahba degdeg loo siiyo dowladda KMG Soomaaliya, Ururka goboleedyada iyo Midowga Afrika gaar ahaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si wax looga qabto amaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobjay Ban ki-Moon ayaa wuxuu caddeeyey in uu taageersan yahay  fikradda Midowga Afrika ee howlgalka lagu xoojinayo ciidamada AMISOM, kaasi oo lagu gaarsiinayo ilaa 20-kun oo askari, hase ahaatee wuxuu sheegay in lagama maarman ay tahay in howlgalkaasi lagu daro xagga cirka iyo badda awood Milatarina loo adeegsado dagaalyahanaad Xarakada Al-shabaab  ee dalka Soomaaliya ka wada dagaalka.

Wuxuu kaloo uu soo hadal qaaday Bank-Moon xaaladda Bini’aadanimo ee Soomaaliya, ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay waqti xaadarkan ay abaar xun ku dhifatay, hase’ahaatee waxaa uu tilmaamay in roobabkii Deyrta aan sidii la filayey uusan u da’in, sidaas darteed hormar fiican ee dhinaca wax soo saarka beeraha lagama helin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobjay Ban ki-Moon ayaa sheegay inuu ii aad ah ugu walaacsan yahay saamaynta dagaalada ay ku yeesheen dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada ku lug leh dagaalada in ay gacan ka gaystaan dhowrista dadka rayidka ah, islamarkaana ay joojiyaan Colaada micna darrada ah Mas’uuliyad ay iska saaraan” Bank-Moon ayaa yiri, wuxuuna si kulul u cambaareeyay waxaa uu ugu yeeray kooxaha argigixisada.

Si kasta ha ahaatee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu dambeyntii ku booriyay dhamaan dhinacyada siyaasdda Soomaaliya isku haya in ay xishmeeyaan islamarkaana ay qadariyaan xeerarka Caalamiga ah ee dhinaca bini’aadanimada ayna ogalaadaan in la gar gaaro dadaka ay abaaruhu Saameyeen.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: