Advertisements

Kulan looga hadlayey howlaha Jaaliyaadda Soomaalida gobolka Zürich oo shalay lagu qabtay Xafiiska Jaaliyadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Jaaliyadda Soomaaliyeed Kanton Zürich ee dalka Switzerland ayaa shalay oo jimcaha ahayd kulanka ku yeeshee Xafiiska  ay ku leeyihiin magaalada Zürich, kulankan oo ay soo qaban qaabiyey Guddiga Jaaliyadda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Odayaasha iyo qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee Kanton Zürich.

Ugu horrentii waxaa Kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha jaaliyadda kanton Zürich C/llaahi Max’uud Qalimow  oo si kooban uga warbixiyey wax qabadka Guddiga, sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan  Mashruucyo ay isku soo dubarrideen Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda, waxaana mashruucyadaas  ka mid ah Barashada Afka Jarmalka iyo Cilmiga Kombiuterka oo loogu tala galay in dhallinyarada ay ka kororsadaan aqoontooda.

Sidoo kale waxaa kulankaas looga hadlay Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay Guddiga Fulinta, khilaafkaas oo  la xiriiray hab-dhaqanka maamulka Jaaliyadda, sida la sheegay arrintaas xallinteeda ayaa waxaa loo xilsaari doono Guddi  isku dhaf ah oo ka mid ah Culumada, aqoonyahanka iyo Odayaasha dhaqanka.

Dhanka kale  waxaa laga wada hadlay sidii jaaliyadda looga wacyi gelin lahaa Bixinta lacagaha qaaranka ah, taasoo kaalin waxtar leh ka geysanaysa howl maalmeedka Jaaliyadda, hase yeeshee waxaa loo ballansan yahay in kulan kan ka sii ballaaran la qaban doono bilaha soo socda.

SomaliSwiss   Zürich

SomaaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: