Advertisements

Isukuduwaha gargaarka degdega ee QM. oo ku baaqay in si dhakhsi ah gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaalida ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Halkaan ka akhri

Xafiiska bini’aadanimada ee Qaramada midoobay ee ku yaala  magaalada Geneva ayaa ku baaqay in si dhaqsi ah loo gaarsiiyo gargar bini’aadinmo dadka Soomaalida ee abaaruhu ay ku saameeyeen gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mark Bowden oo ah Isuduwaha howlaha bini’aadinimada u qaaabilisan Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya ayaa sheegay inu si weyn uga walacsan yahay xaalada abaareed ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna ku baqay in la fududeeyo gaarsiinta kaalmoyinka bini’aadanimo gobolada sida xun ay u saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale war qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska isuduwidda howlaha bini’a adinimada ee Qarmada Midoobayee ay ku leedahay magaalada Geneva ee Xarunta dalka Switzerland, ayaa lagu sheegay in yaraashaha roobka gudaha Soomaaliya ay ka sababtay in abaaro ay ku dhiftaan gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo la filanayo in dhibaatooyin dhinca bini’aadanimo ay ka dhacaan gudaha dalka bilaha soo socda maadaama ku dhawaad 2-Milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiiin ga gar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Isuduwe Mr. Mark Bowden ayaa sheegay dhibaatooyinka dhinaca bini’aadannimada ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid beesha Caalamka looga baahanyahay inay wax ka qabtaan., wuxuuna intaasi ku daray in la fududeeyo gaarsiinta gar gaarka bini’aadanimada goobaha sida xun ay u saameyeen abaaraha.

Dhanka kale Mr. Mark Bowden wuxuu caddeeyey in yaraashaha dalaga beeraha ka soo go’a Soomaaliya ay keentay in uu saro u kac ku yimaado raashiinka qutul duruuriga, taasi oo uu tilmaamay in ay sababtay nafaqo dari baahsan ay soo wajahday dadka badan oo ku sugan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

SomaliSwiss  Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: