Horjooge kasoo goostay Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in Niman Ajnabi ah ay u qaabilsanaayeen Qoor-goynta dadka.

Halkaan ka akhri

Md Maxamed Jaamac Maxamed oo ka tirsanaa saraakiishii Al-shabaab mudada dheer la soo shaqeeyay kaasoo dhowaan ka soo goostay kuna soo biiray dhinaca dawlada ayaa faahfaahin ka bixiyay mudadii isaga iyo saaxibadii ay la soo shaqeeyeen xarakada Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay u soo joogeen waxyaabo badan oo xaqiiqdii ka fog Diinta Islaamka, isla markaana aan raad ku laheyn dhaqanka suuban, isagoo tilmaamay in dhacdooyin murugo leh oo xiligan uu ka qoomameynayo ay soo mareen intii uu katirsanaa.

“Waxaan ka soo dagaalanay oo aan aag uga jirnay dhinaca xeebta sida dekedii hore, Baar FIAT, wadada debka iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana iigu yaab badnaa markii degmada Dhoobley aan ku qabanay nin lagu magacabi jiray Cali Yerow oo Shabaab nala ahaa oo u wareegay dhinaca Axmed Madoobe, isagoo watay kun iyo shan boqol oo doolar suuqa sarifka Dhoobley aan ku qabanay laguna eedeeyay in uu u adeegayo Axmed Madoobe kadibna inta qoorta laga jaray ayaa madaxa xabadka loo saaray, laba wiil oo nala socday ayaa arintaas ka xumaaday iyana waa la dilay” ayuu yiri sarkaalkaas.

Maxamed Jaamac oo u waramayay idaacadda sowladda KMG ah ee Raaiyo Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inuu usoo joogay, sarkaal lagu magcaabi jiray Jabaan oo horay Shabaab uga soo tegay kuna laabtay mar kale isagoo wata hal gaari oo tikniko ah iyo toban qore kaasoo degamada Deyniile isugu dhiibay Xarakada Shabaab gaar ahaan sarkaal lagu magacaabo Farxaan ger-dhuub markii laga wareejiyay hubkii uu watayna waxaa ciidamada hortooda laga sheegay in qofkii Shabaab ka taga ee ku soo laabta xukunkiisu uu yahay in la googooyo oo xubin bubin loo jarjato taasoo aaqitkii lagu jarjaray Jabaan meel u dhow degamada Jilib ee Jubooyinka sida uu sheegay Maxamed Jaamac oo u hadlayay Raadiyo Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: