Advertisements

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo waardiye kahaya xeebta degmada Warsheekh.

Halkaan ka akhri

Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe isla markaasina dacalka ku heysa xeebaha badweynta Hindiya ayaa waxaa dul heehaabaya, diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikobtarka, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa laba diyaaradood kana soo kacay markab ciidan oo ku sugan biyaha sare oo aan ka fogeyn xeebaha degmada Warsheekh.

Wararka naga soo gaaraya degmada Warsheekh ayaa sheegaya in diyaaradahaasi iyagoo joog hoose ku socda ay dul heehaabayeen hawada degmadaasi iyagoo khalkhal geliyay isu socodka dadka degmadaasi oo ka cabsoonaya inay duqeeyaan haddii loo baahdo.

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee degmada Warsheekh ka talisa ayaa bilaabay inay ka cararaan halkaas, iyagoo u jiheystay dhinaca keymaha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: