Advertisements

Wiil Somali-American ah oo mudo ku xiran dalka Kuwait oo Sirdoonka Mareykanka ay diideen in uu dib ugu laabto dalkooda.

Halkaan ka akhri

Sirdoonka Mareykanka ayaa hor istaagay wiil Somali-American ah oo in mudda ah ku xirnaa dalka Kuwait in uu dib ugu laaban karo wadankaasi, iyagoo sheegay in uu kujiro liiska dadka aan loo ogoleyn in ay tagaan wadanka USA, iyadoo sabab looga dhigay in uu safaro ku tagay dalkii uu kasoo jeeday asal ahaan ee Soomaaliya.

Wiil yar oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed oo ah Somali-American 19 jir noqday intii uu ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Kuwait, ayaa wareysi khadka Taleefanka ah ugu sheegay wargeyska New York Times, in isaga oo xabsi ku jira la garaacay, laguna qasbay in uu saacado taagnaado, isla markaana loo adeegsaday korontada dadka gil gisha, isla markaana loo sheegay in hooyadiis la xiri doono, haddii uusan sidii larabay uga jawaabin su’aalo ku saabsan socdaallo uu ku tagay dalalka Somalia iyo Yemen, sanadii 2009.

Sirdoonka Mareykanka oo warbixin yar oo ku saabsan kiiska Guuleed bixiyay ayaa diiday in ay sheegeen wax aan ka ahayn in Guuleed uu ku jiro liiska dadka aan u duuli karin Mareykanka.

Guuleed Maxamed oo degan magaalada Alexandria, Virginia ee dalka Mareykanka, ayaa weli xabsiga ku jira, xitaa haddii dowladda Kuwait ay dalbatay in la sii daayo, sida walaalkiis uu sheegay.

Guuleed ayaa sheegay in ciidanka Kuwait ay si noq noqosho leh u weydiiyeen, haaddii uu weligiis la kulmay Anwar Al-Awlaki oo ah nin Mareykan hogaamiya Al-Qacidada Yemen.

Waxa kale oo uu sheegay in wax laga weydiiyay nolosha qoyskiisa degan Mareykanka iyo qabiilka uu kasoo jeedo beelaha Soomaaliya.

Guuleed ayaa sheegay inuusan wax xiriir ah la lahayn mintidiinta, isla markaana uu yahay Muslim wanaagsan oo neceb argagixisada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guuleed in uu u tagay dalka Yemen barashada luqada Carabiga iyo Diintiisa, balse taasi ay dhib u keentay.

Somali Swiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: