Advertisements

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Safiirka dalka Algeria u jooga Kenya.

Halkaan ka akhri

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Kenya Maxamed calinuur Ameeriko  ayaa barqadnimadii maanta la kulmay dhigiisa dalka Aljeeriya muhanad saciid, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal  ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Sida lagu soo warramay waxay labada Diblomaasi ay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dowladood, iyo sidoo kale sidii dowlada Aljeeriya ay gacan uga geysan lahayd dadaalka ay dowlada KMG ah ku doonayso sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo  kala dambeeyntii ka jiri jirtay dalka Soomaaliya.

Waxaana si weyn loo falanqeeyey sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka soomaaliyeed  ay abaaruhu saameeyeen ee  ku sugan gudaha  iyo dibadaba, gaar ahaan qaxootiga.

“ waxyaabaha aan ka codsaday waxaa kamid ah in ay dhanka gargaarka naga caawiyaan, maadaama xilli abaar ah lagu jiro” sidaas waxaa yiri danjire Ameeriko,

Danjiraha dalka Aljeeriya u fadhiya dalka Kenya  Muhanad ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax badan ka ogaado xaaaladda Soomaaliya,  maadaama ay labada dalba ku wada jiraan Ururka jaamacadda carabta.

Hase yeeshee Kulanka labada Safiir ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta safaaradda Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah dublamaasiyiinta labada safaaradood.

Sida la wada ogsoon yahay dowladd a Aljeeriya ayaa waxay ciidamda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ka taageertaa dhanka diyaaradaha lagu daad gureeyo ciidamada iyo saanadooda.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: