Advertisements

Golaha Wasiirada Xukuumada KMG oo maanta kulan Xassasi ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Xukuumada KMG ayaa maanta kulan Xassasi ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya waxaana Kulankaas shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana loogu hadlayey arrimo dhowr ah oo quseeya howlaha Wasaaradaha Xukuumada.

Sidoo kale Kulankan ayaa waxaa la soo hor dhigay qodob ay ka mid ahaayeen is bedelo iyo dib u habeyn lagu sameeyo Agaasimayaasha Wasaaradaha oo tan iyo xilligii Xukuumadihii hore soo hayay xilkooda.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed oo  lagu faah faahiyay kulanka, waxaana Ra’iisul wasaaruhu uu sheegay muhiimada ay leedahay horumarinta Maamulka Dowladda, kaas oo loogala jeeday dib u habeyn lagu sameeyo Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa isku raacay Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradaha ee Dikreetada ku joogay in dib u habeyn lagu sameeyo, muddo todobaad gudihiis ahna Wasiir waliba uu soo gudbiyo 3 musharax Agaasime Guud, si looga xusho Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, iyadoo lagu xuli doono, heerka Waxbarashadiisa, Khibradiisa, Kartidiisa, Daacadnimadiisa iyo waaya aragnimadiisa Wasaaradaas uu agaasimaha Guud ka noqon doono.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday ammaanka, gaar ahaan hubka sharci darada ee lagu dhex sito Magaalada, waxaana dood dheer kadib la isku raacay in go‘aan deg deg ah ay ka soo saari doonaan arrintaasi.

Hase yeeshee Shirkii maanta ee golaha Wasiirada waxaa lagu cambaareeyay Xarakada  Al-Shabaab sida ay u cunaqabateynayaan shacabka ay abaarta daran heysato iyagoo is hor istaagay hey‘addaha gargaarka sidii ay dadkaasi gurmad ugu sameyn lahaayeen una gaarsiin lahaayeen gargaar Bani’aadaminimo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: