Advertisements

Xarakada Al-Shabaab ee Jubooyinka oo u qeyla dhaamisay ganacsatada Soomaaliyeed in ay u gargaaraan dadka abaaraha ay haystaan.

Halkaan ka akhri

Maamulka xarakada Al-shabaab G/Jubooyinka ayaa u qeyla dhaamiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay  gargaar la soo gaaraan dadka abaaraha ku dhiftay, sidoo kake Alshabaab waxay shacabka iyo dadka dhaqaalaha haysta ka dalbatay in ay abaaraha ka jira Gobolada Jubbooyinka ay u soo gurmadaan.

Warkan ayaa soo tebisay Idaacada Al-Shabaab ee ku taala degmada Kismaayo waxay Sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan al-shabaab ay soo fariisteen Stuudiyaha Idaacadda, waxayna Bulshada Kismaayo dul saareen in ay bixiyaan dhaqaale ku aadan u gargaarida dadka abaaraha waxyeeleeyeen.

Sidoo kale Wakiilka Walaayadda G/Jubbooyinka ee maamulka Al-Shabaab, Sheekh Xasan Yacquub wuxuu sheegay inay aad u korartay dhibaatada saameyn badana ay ku yeesheen dadka isgoo ka digay gurmad la’aan dadka qabsata

Si kasta ha ahaatee Xaaladdu Wuxuu Sheekh Xasan Yacquub ugu baaqay bulshada in aysan waxba yaraysan oo ay gacan qabtaan dadka abaaraha ka sii daraya ku haystaan deegaano fara badan oo hoos taga Jubbooyinka iyo guud ahaan Gobolada kale.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: