Advertisements

Wasiirka caafimaadka dowladda KMG oo sheegay in adeega daawada ee Isbitaal Martini uu dhowaan bilaaban doono.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Caafimaadka Dowladda KM Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Xaaji Daa’uud ayaa sheegay in dhowaan ay bilaaban doonaan Adeegyadii Caafimaadka ee Isbitaalkii Martiini oo dhowaan ay Dowladdu dib u howl galeysay, kadib markii dayactir iyo dib u habeyn ku sameysay Isbitaalkaas oo ka mid ahaa Isbitaaladii Dowladda ay laheyd.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayey wuxuu  yiri: “Waxaa jirtay in marar badan uu dib u dhac ku yimid, laakiin markan waxaa rajeynayaa in dhowaan uu dib u howl galo Isbitaalka, adeegii caafimaadna uu u bilaabo bulshada”.

Sida la wada ogsoon yahay maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo ay gudoonsiiyeen Wasaarada Caafimaadka qalab caafimaad ah oo markii u horeysay Dowladda ay soo iibsatay, kaasoo lagu howl gelin doono Isbitaalka Martiini iyo Isbitaal dhowaan laga furay Madaxtooyada oo loogu tala galay Askarta Dowladda.

Hase yeeshee  waxaa jiray Gaadiidka gurmadka deg dega  ah oo ay dhowaan dowladda  ka soo iibsatay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay  inay qeyb ka noqon doonaan  howlaha gurmadka iyo daabuleynta Ciidamada Dowladda xilliyada dagaalada ku soo waxyeeloobaan.

Sidoo kale Dowladda KMG ayaa wali wada isku day ku wajahan sidii ay ula wareegi laheyd Caasimada Muqdisho, waxaana ilaa iyo hada socda qaban qaabada ciidamada ee isugu jira adeegyada caafimaadka iyo daryeelka, si  ay Dowladda ugu suuri galiso, hadii ay dhaawacyo soo gaaraan Ciidamada iyo dadweynahuba  loogu daaweyo Isbitaalada ay howl galeysay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: