Advertisements

Midawga Africa oo sheegay in ay kordhinayaan wax qabadka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Midawga Africa ayaa maanta sheegay inay kordhinayaan wax qabadka ciidamadamada AMISOM ee Soomaaliya Ka howlgela, kuwaasoo haatan dagaalo culus kula jira mucaarad dowladda KMG Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabad galyada ururka Midawga Africa ayaa wuxuu sheegay in haatan la qorsheynayo in la kordhiyo tayada c iidamada AMISOM la yiraahdo waxaana goluhu shegay in wax qabadka ciidamada ay sidoo kale kordhin doonaan.

wakaalada wararka ee PANA oo warkan ay qortay ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ay ku hawl galayaan hanaanka nabad illaalinta oo Q.M aqoosan tahay waxayna dawlada KMG Soomaaliya ka saacidaan dhinaca sugida nabad galyada

Sidoo kale Warkan ayaa lagu sheegay in tirada ciidamadu ay dhamestirantay oo ay gaartay 8,000 oo askari hase ahaatee hadda la filayo ciidamo kale oo ka yimaada wadamo Africa ku yaala, waxaana ka mid ah dalka Guinea.

Dhanka kale war ka soo baxay ururka Midawga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay hawshooda sii wadan doonaan tan iyo intii ka dhameynayaan howlihii loo soo igmaday, waxaana ururku sheegay in la xoojin taageradda dhinaca milteriga ah ee ay siiyaan dawlada KMGS.

Hase yeeshee hadalka ka soo baxay ururka Midawga Africa ayaa imaanaya xilli ciidamada AMISOM lagu eedeeyo inay duqeyaan gobo aan dagaalo ka jirin, kuwaasoo waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: