Advertisements

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Dowladda iyo Mucaaradka in hay’adaha Samafalka loo ogolaado howlaha gargaarka.

Halkaan ka akhri

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in shaqaalaha gargaarka ee Hay‘adaha Samafalka loo ogolaado in gargaar ay gaarsiiyaan dadka ku dhibaateysan Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen abaaraha ka jira gobalada dalka Soomaaliya.

Sida aad la socotaan waxaa shalay magaalada Muqdisho booqasho gaaban ku tagay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, wuxuuna kulamo xaasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sh.  Axmed iyo R/wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka Augustine Mahiga iyo madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya waxay kaga wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo doorka Q/midoobay uga aadan arimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso gargaar u fidinta dadka ku tabaaleysan qaybo badan oo ka mid ah Gobolada  halkasi oo ay saameyn ba’an ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka ee abaaruhu ku dhufteen.

Dhinaca kale Augustine Mahiga ayaa daboolka ka qaaday in beesha caalamku ay xilligan diyaar u tahay kaalmo gaarsiinta dadkasi dagaalada iyo abaaruhu la degeen waqtigana u baahan in gurmad balaaran loo fidiyo.

Sidoo kale Mahiga ayaa ka Codsaday kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay u ogolaadaan shaqaalaha samafalka ee Q/midoobay ka tirsan si ay kaalmo Bani’aadanimo u gaarsiiyaan goobaha ugu daran ee abaartu ku dhufatay

Hase yeeshee hadalka Ergayga gaarka Q/Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku soo aadaya xilli R/wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed Farmaajo uu ugu baaqay kooxaha dowladda ka so horjeeda in aysan siyaasadeynin kaalmada la gaarsiiyo dadka ay abaartu tabaalaysay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: