Advertisements

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobolka Bay oo shalay wiil yar kufuliyey xukun gacan iyo lug goyn ah.

Halkaan ka akhri

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa shalay galabtii  magaaladaas lug iyo gacan is dhaaf ah uga jaray wiil dhalinyaro oo lagu eedeeyay inuu ku kacay falal burcadnimo ah.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob jooge-yaal ahaa oo deggan Baydhabo, Nuur Max’ed Nuur  ayaa shalay gelinkii dambe meel fagaare ah oo ku taalla magaaladaasi waxaa xukunkaas oo lug iyo gacan isweydaar ah goyntooda lagu fuliyey wiilkaas yar oo lagu eedeeyay loona cuskaday inuu burcadnimo iyo falal amni daro keenaya kageystay magaaldaas.

Nuur Max’ed Nuur oo da’diisa lagu qayaasay 17-19-jir ayuu xukumay ninka Al Shabaab u qaabilsan magaladaas ee dadka u xakuma, kaas oo magaciisa lagu sheegay Abuu Feysal, wuxuuna dadkii laysugu yeeray barxadda gacmo iyo luga gurista, si ay u daawadaan, xaakinkii Shabaab u sheegay in wiilkaas, uu galay dambi, ka dibna uu qirtay, sidaas darteedna qaabkaas xakunku u dhacay, isagoo xusay in xukunkiisa uu u cuskaday shareecada Islaamka, waa sida ay ula muuqataye.

Labadii sano ee u dambeeyay ayaa meelaha ay ka taliyaan, Xarakada AL Shabaab waxaa lagu arkayay, dhalinyaro kala duwan oo lagu fulinayo, ciqaabo isugu jira gacmo iyo lugo guris, dil iyo garaacis lagu fulinayey dad rayid ah oo lagu eedeeyey, inay dambiyo kala duwan galeen, hase yeeshee in badan oo dadkii la xakumay ka mid ahaa, sida labadii gabdhood ee Beledweyne ayaa laxaqiijiyey in askar ka tirsan Shabaab ay ku xad gudbeen, ka dibna lagu gardarooday oo dambiyo aysan gelin dusha loo saaray, si kastaba Soomaalida inteeda wax fahamsan ayaa rumeysan inay tahay arrintaas cabsi iyo argagax gelin lagu sameynayo dadka, ayna fogtahay arrintu fulin shareeco islaam, sababtoo ah, dadka wax xakumaya ayaysan badnayn aqoontoodu, da’dooduna aad u yar tahay.

SomaliSwiss Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: