Advertisements

Axmad Godane, Ibraahim Af-khani iyo horjooga-yaal Al-Shabaab ah oo kusii qulqulaya degmada Ceelbuur.

Halkaan ka akhri

Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmad Cabdi Godane oo Shabaabku ugu yeeraan Muqtaar Abu Zubeyr, Ibraahim Xaaji Meecaad oo loo yaqaan Afqaani iyo horgooge-yaal kale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, gaarahaan kuwa iyaga ku fikirka ah ayaa lasheegay inay isugu tageen halkaas.

Lama yaqaanno, sababta, laakiin Saraakiil iyo ciidamo fara badan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab kuna hubaysan gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa la arkayay, saddex-dii maalmood ee lasoo dhaafay, iyagoo kusii qulqulaya magaalada Ceel Buur oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Warar hoose oo SomaliSwiss qadka isgaarsiinta uga heshay Muqdisho, Marka iyo CeelBuur  oo ah taliska ugu weyn ciidamda Xarakada Al-Shabaab ayaa xaqiijinaya in Saraakiil sar sare iyo ciidamo fara badan oo ka tegay meelo kala duwan ay si isadaba joog ah u gelayeen magaaladaas iyo deegaano kale oo hoos taga.

Ilo wareedyo kala duwan kuna sugan , Ceelbuur iyo Wabxo ayaa SomaliSwiss qadka telefoonka si xirfidaysan ugu sheegay inay halkaas gaareen xalay saqdii dhexe, qaar ka mid ah madaxda ugu sar sareysa xarakada oo ilahaasi kusoo gaabiyeen inay ahaayeen wafdi sare oo ay horkacayeen Amiirada sar sare ee xarakada.

Warku wuxuu intaas ku darayaa, in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay magaalada gaarayeen horjooge-yaal sare ay dhinaca xeebta iyo dhanka gobolka Hiiraan ka galayeen deeganadaas, kuwaas oo lasheegay inay hordhac u ahaayeen wafdiga Godane iyo Afqaani.

Horjooge-yaasha deeganadaas ku hormaray ee magacyadooda SomaliSwiss heshay ayaa waxaa ka mid ah; Yuusuf Sh. Ciise (Kaba-kutukade) oo ah taliyaha guud ee Shabaab u qaabilsan Galgaduud, Xuseen Cali Fiidoow madaxa gobollada iyo horjooge-yaal ciidan oo kale oo laga tilmaamay Xasan Afrax, Baarbe iyo Mahad Karatee.

Saraakiishaas oo intooda badan ah, Horjooge-yaal ciidan oo heerka 2-aad ah, isla markaasna si toos ah uga amarqaata Axmad Godane iyo Ibraahim Afqaani, ayay wararka hoose ee deeganadaas sheegayaan inay hordhac u ahaayeen kooxdaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay iska soo daba dhacaysay, booqasho qarsoodi ah oo lasheegay inay xalay halkaas ku tageen, Axmad Godane, Ibraahiim Meecaad iyo ciidan ay wataan.

inkastoo SomaliSwiss aysan si toos ah u xaqiiji karin, tegitaanka hogaamiye-yaashaas sare oo laqariyo socdaalladooda, ayay hadana dadka ku nool deeganadaas SomaliSwiss u muujiyeen inaysan shaki weyn ka qabin imaanshaha Godane, iyagoo daliil uga dhigay in saraakiisha iyo ciidamada nuucaas ah ee deegaanka gaaray ay lagu yaqiin oo kaliya, inay sidaas yeelaan marka loo gogol xaarayo booqashada Ceyroow iyo Godane ama inuu socdo dagaal oo ay gurmad kuyimaadaan.

Sikastaba, Horjooge-yaashaas kasii hormaray saraakiisha sare, waxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, Ceelbuur ka fuliyeen olole u muuqday amaan sugid iyo cabsi gelin, iyagoo xir xiray 9 qofood oo magaaladaas caan ka ahaa, aad-na looga yaqiinnay oo midkood uu ahaa dhaqtarkii ugu weynaa magaalada ee daaweyn jiray haweenka iyo carruurta, kaas oo lagu magacaabo Dr.Maxamed Axmad dhuxuloow.

Lama yaqaan, waxa ay ku dambayn doonto xaaladda dadkaas la xir xiray oo qaarkood sida dhaqtar dhuxuloow lagu eedeeyey  inay hebeenkii xilli dambe magaalada dhex socdaan oo ay basaasaan xarakada Al-Shabaab, halka kuwa kale loo hayo tuhunno iyo edeymo kale.

SomaliSwiss oo arrintaas wixii kasoo kordha isha ku haysa ayaa markasta idiin soo tebi doonta, wixii cusub oo kusoo siyaada, wararkaas oo aan idiin soo tebi doonno, sida ugu deg degta badan, isla markii aan helno, warar cusub oo arrintaas quseeya.

SomaliSwiss Ceel Buur
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: