Advertisements

Wiil Soomaali ah oo Maxkamad ku taala dalka Yemen ay ku xukuntay dil.

Halkaan ka akhri

Maxkamad ku taala gobolka Xadramuut ee dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku riday Wiil la sheegay in uu yahay Soomaali, kaasi oo lagu helay ka ganacsiga mukhaadaraadka mamnuuca ka ah dalkaasi.

Cali Yuusuf Ibraahim oo ah Wiilka Soomaaliga ah ee Xukunka ku dhacay ayaa oo ah nin dhalinyaro ah oayaa Booliska dalka Yemen ay qabteen bishi Juun ee sanadkii 2009.

Ciidamada Booliska Yemen ayaa Wiilkan Xabsiga la dhigay qaar ka mida Mukhaadaraad uu iibinayay wiilkaasi waxaana taasi ay sahal ka dhigtay in xukunka uu ku dhaco wiilkaasi dhalinyarada ah ee falkaasi lagu helay.

Sidoo kale Cali Yuusuf Ibraahim ayaa waxaa xukunkan lagu riday wiilkan Soomaaliga ah shalay ka gadaal markii Maxkamada muddo ay la’ayd cid difaacda wiilkaasi oo sahal ka dhigtay in shalay lagu dhawaaqo xukunkiisa dilka ah.

Hase yeeshee Wiilkan ayaa laga yaabaa in maalmaha soo aadan xukunkiisa uu dhaco oo ay toos u dilaan Ciidanka fulinta Xukunada dilalka ee dalka Yamen, taasoo la yaab ku noqotay dad badan oo soomaali ku sugan dalkaas markii ay maqleen xukunka wiilkaas ku dhacay oo xalay warbaahinta laga baahiyay.

SomaliSwiss   Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: