Advertisements

Warbixin Sanadeedka QM. oo lagu sheegay in ay kordheen dadka ka cararay dagaalada Soomaaliya sanadkii tagay ee 2010.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Qaramada Midoobey  uga  qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2010 ay si weyn u kordheen tirada dadka Soomaalida ah ee ka cararay dagaalada ka jira Soomaaliya kuwaasoo ka gudbaya xaduudaha Soomaaliya ay la leedahay wadamada dariska la ah, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin sanadeedka hay’adda UNHCR.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October ee sanadkaan ay ka gudbeen gacanka Cadan oo kaliya in ka badan 43,000 oo Tahriibayaal African ah oo u badan dadka Soomaalida ah ee ka cararay dagaalada ka jira  dalkooda ee mudada 20ka Sano socday.

Sidoo kale Warbixintu waxay sheegtay in dadkaasi ay dhibaatyooyin la kulmeen intii ay ku safarayaan Badaha iyo Lama-degegaanada, waxayna haatan qaarkood ay ku jiraan xeryo ay maamusho UNHCR oo ku yaala dalka Yemen, qaar kalena ay u gubaan dalka boqortooyadda Sacuudiga oo ay nolol wanaagsan ka raadasadaan.

Hase ahaatee hay‘adda UNHCR waxay warbin Sanadeedkeeda ku sheegtay in sanadkii tagay ay yareyd tirada muhaajriinta ku naf waayay badda haddana ay jireen dad ku geeriyooday gacanka Caan oo ay doomo la qalibmeen, waxayna warbixuntu xustay in ciidamada biyaha Soomaaliya ku sugan ay bad baadiyeen 61 qof oo tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Ethiopian, kuwaas oo dooni kula degtay meel u dhaw xeebaha dalka Yemen.

Dhanka kale Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in sanadii 2009 ay dalka Yemen tageen 74,000 oo qaxooti Somali ah kuwaasoo qaarkood ay dhibaatooyin ku heystaan dalkaasi Yemen, waxayna hay’addu sheegtay inay jiraan tiro kale oo intaa ka badan oo iyana ku jira xeryaha qaxootiga dalka Kenya kuwaas oo hela waxooga gar gaar ah.

War dhowaatan ay soo saartay Hay’adda Barnaamijka cunnadda adduunka ee WFP ayaa waxay ku dalbaday lacag ka badan 53 Million oo Dolla,r si loogu caawiyo dadka Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen.

Waxaa kaloo oo jira in ka badan 1.5 Million qof oo ka soo barakacay gudaha dalka Soomaaliya oo haatan ku nool daruufo adag oo ka dhashay colaadaha iyo abaaraha dalka jira sida.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: