Advertisements

Ra’isal wasaare Farmaajo oo golihiisa Wasiirada u sheegay in ay dhowraan Hantida Qaranka.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo ayaa Golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya u sheegay in aysan Hantida Qaranka Soomaaliyeed u isticmaalin si khalad ah, dhinaca kale wuxuu saxaafadda u sheegay in go’aano laga gaaray safarada wasiirada Xukuumada KMG.

Hase yeeshee Ra’isal wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in uusan jiri doonin wasiir iska aada dalka dibadiisa ilaa uu ka cadeeyo ujeedka safarkiisa iyo inta uu safarkaasi qaadanayo si loo xadido safarada micno darida ee wasiirada xukuumada ay ku aadayaan Dibadda.

Kulan ay shalay golaha wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ka hadlay, ayaa sheegay sheegay in wasiir walba looga baahan yahay in uu kala cadeeyo Hantidida dowladda iyo mida uu leeyahay si loo ogaado wixii Qaranka uu leeyahay, wuxuuna tilmaamay in ay mamnuuc tahay in marka wasiir uu xilka ka dagayo uu la tago Hantida dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in kulankii shalay golaha wasiirada Xukuumada KMG ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay isku raaceen in howsha ay u qabtaan si habsami leh oo ay ku jirto danta Qaranka islamarkaana aan lagu xad-gudbin Hantida Qaranka taasi oo uu sheegay in lala soconaayo Wasiir waliba.

Si kasta ha ahaatee hadalka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ee ku aadan in la kala saaro hantida shaqsiga iyo mid Qaranka ayaa ku soo aadaya xili dhawaan qaar ka mid ah mid ah golaha wasiirada cusub ay xilalkaasi kala wareegeen wasiiradii ka horeeyay oo lagu eedeeyay inay ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: