Advertisements

Howlo Nadaafadeed oo ka socota qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Howlo Nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicsanaanta G/Banaadir ayaa ka socoto qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah Shirkadaha ka howlgela G/Banaadir.

Goobaha taariikhiga ah iyo Xarumaha qaranka ee magaalada Muqdisho sida aaga Taallada Dhagaxtuur ayay howshaasi ka soconeysay saakay, waxaana halkaas saxaafadda kula hadlay mas‘uul oo ka mid ah howl wadeenada shirkadahaas oo sheegay in aysan wax mushar ah ku qaadan isla markaana aysan taageero dhaqaale ka helin Maamulka gobolka Banaadir.

Mas’uulkan oo magaciisa lagu sheegay Axmed Jowhar ayaa sheegay in ololahaan ay ka fuliyeen meelo badan haddana ay qorsheynayaan in ay ka fuliyeen xarumo hor leh oo magaalada ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Amxed Nuur “Tarsan” ayaa saxaafadda kula hadlay goobtii ololaha nadaaaddu ay ka socotay, wuxuuna sheegay in maamulka gobolku uu dhiirri gelinayo dadka howlaha noocaan ah qabanaya isla markaana shacabka uu ku wacyi gelinayo in ay u istaagaan wax ka qabashada xaaladaha guud ee ka jira waddanka.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulku Gobolka banaadir uu kaalin wanaagsan ka ciyaaray bilic ku soo celinta magaalada Muqdisho, haddana uu sii laba laabayo isla markaana uu taageerayo soona dhaweynayo cid kasta oo isku howsha hirgelinta Nadaafadda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: