Advertisements

Gudiga Dastuurka oo sheegay in ay ku adag tahay dalabka Madaxweyne Sheikh Shariif ee dedejinta Sameynta Dastuurka cusub.

Halkaan ka akhri

Guddiga Dastuurka ayaa ku gacan sayray dalab ka soo yeeray  Madaxweyne  Sheikh Shariif kaasoo ku aadanaa in saddex bil lagu soo dhameeyo Dastuurka.

Sida uu sheegay Gudiga loo xil saaray diyaarinta dastuurka cusub inay suurta gal ahayn in lagu soo dhameeyo muddada uu sheegay Madaxweynuhu, sidaas darteed  dalabka uu madaxweynaha soo jeediyay ay gudiga Dastuurka u cuntami waayay.

Dalabka Madaxweynaha oo ahaa in 100-maalin in lagu soo habeeyo laguna soo bandhigo dhammaan dastuurka Qaranka ee dalka lagu hagayo taasi oo uu madaxweynaha ka dalbaday gudigaas.

Gudoomiyaha gudiga sameynaya dastuurka cusub ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Ismaaciil waxaa uu sheegay inay tahay wax aad u dhib badan oo aan ku filneen in lagu soo gabagabeeyo waqtigaas diyaarinta dastuurka cusub.

Ujeedada Madaxweyne Shariif ee dalabka dhameynta sameynta dastuurka cusub degdeg ah ayaa ah sidii meesha looga saari lahaa ama loogu gudbo hanaanka kumeel gaarka ee hada ay dowladda ku shaqeyso.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne shariif uu ogolaaday inta badan qodobo oo uu hore uga diiday Ra’iisul wasaarihii tagay Mudane Dr. Sharma’arke waxaana taasi is badashay markii muddo laga dhaadhicinayay Madaxweynaha qodobada dastuurka

Hase yeeshee lama oga sababta dhabta ah oo ay gudigan hadda u diideen waqtiga loo qabtay, balse waxaa la aaminsan yahay in gudigan ay yihiin kuwa u arkay in qaranku dani ugu jirin in samaynta dastuurka la dedeiyo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: