Ciidanka Booliska dalka Kenya oo xuduudda ku soo daadiyay dhalinyaro Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Ciidanka Boliiska dalka Kenya ee Magaalada Mambassa ayaa si Xoog ah uga soo daadiyay xuduuda Soomaaliya dhalinyaro Soomaali ah oo in mudo ah ku xirnaa Magaaladaas, halka kuwa kalana wali ay ku dhibaateysan yihiin Xabsiga Magaalada Mambassa.

Wiil Soomaali ah oo maciisu la yiraahdo Ibraahim Max’ed Nuur oo ka mid ah dadka Soomaalida ee ku xiran xabsi ku yaala magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku haystaan daryeel la’aan gudaha xabsigaas, ayna  ka mid tahay biyo la’aan iyo cuno la’aan.

sidoo kale Wiilkan ayaa sheegay in markii hore ay ka carareen dagaalada ka socda  dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas uu ku daray in ay qorshaynayeen isaga iyo dhalinyarada kale ee ku xiran xabsiga Mombassa inay u tahriibaan dalka Koofur Afrika, balse waxaa nasiib darro ah in ay gacanta ku dhigeen ciidanka Boliiska dalka Kenya.

Hase ahaatee Ibraahim Max’ed Nuur wuxuu sheegay in dadka Soomaalida ee ku xiran xabsigaas ay mararka qaarkood la kulmaan jirdil ay u geystaan ciidanka Boliiska dalkaas, wuxuuna caddeeyey in qaar ka mid ah dadkaasi dib loogu soo celiyay dalka Soomaaliya markii ciidanka Boliiska dalka Kenya ay keeneen xaduudana si khasab ahna uga dajiyeen gawaaridii ay saarnaayeen.

Sida runta ah dadka Soomaaliyeed waxa ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan dalalka ay u tahriibeen, waxaana qaar badan ay ku jiraan xabsiyo ku yaala wadamada qaarada Afrika, ilaa haatan aysan jirin  wax ka hadla dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaada oo Tahriibka u badan.

SomaliSwiss Mambassa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: