Advertisements

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo dhoolatus ka sameeyey deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye.

Halkaan ka akhri

Meleeshiyoonka ka tirsan xarakada Al Shabaab ayaa maanta dhoolatus ka sameeyay deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose, waxaa dhaqdhaqaaqa  dhoolatuskaas ka hadlay qaar ka mid ah  masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab.

Waxaa saakay boqolaal ka tirsan Meleeshiyooyinka Xarakada Al Shabaab ay dhuulatus militari ah ka sameeyeen xero lagu magacaabo Malaysia oo ku taala deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Afgooye waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose

Meleeshiyooyinkan ayaa waxay socod ku soo mareen deegaano dhowr ah oo ku yaala deegaanka dadka dagaalada ka carareen ay u barakaceen ee duleedka magaalada Muqdisho , waxaana ay ku qeylinayeen erayo carabi ah oo ay ku muujinayeen sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalada ay la galayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Sheekh Max’ed Abuu Cabdala oo ah Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo la hadlay Meleeshiyooyinkaas ayaa uga mahad celiyay sida ay ugu dadaalayaan gudashada waajibaadkooda.

Si kasta ha ahaatee dadweynaha ku nool deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Afgooye oo saakay daawanayay ciidamada dhoolatuska sameeyey ayaa sheegay intii ay socdeen dhoolatuskaas uu  hakad kooban ku yimid ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadada Dheer ee isku xirta Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: