Advertisements

Ciidanka dowlada ee ku sugan Ex-Contarol Afgooye oo mamnuucay qaadashada indhashareerka.

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Ex Contarool ee Afgooye ay maanta haweenka isticmala wadadaasi ka mamnuucay qaadashada indhashareerka.

Axmed C/laahi (Axmed Yare) oo ah Taliyaha Amniga ciidamada dowladda KMG ee Soomaliya Ex Contarool afgooye oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in shalay galinkii dambe ay kulan wada qaateen saraakiisha ciidamada ka howlgala Ex Contarol iyo nawaaxigeeda, wuxuuna sheegay in kulankaasi looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa dhinaca amaanka.

Taliyuhu wuxuu  intaasi uu raaciyay in kulankooda kadib ay soo saareen Awaamiir dhowr ah oo ku aadan dadka iyo gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Contarol Afgooye wuxuu sheegay in wixii maanta bilaabma baaritaanada gaadiidka xamuulka ah ee ka baxa Muqdisho iyo kuwa soo gala kuwaasi oo aan horay loo baari jirin.

Taliyaha ciidamada Dowladda  Ex Contarol Axmed C/laahi (Axmed Yare) ayaa caddeeyey in haweenka xirta indhadhareerka ee isticmaala wadadan aan oggolaan  doonin  inay soo maraan iyagoo xiran indhashareer, waayo ayuu yiri Taliyuhu waxaa soo batay  rag farabadan oo ka tirsan  Maleeshiyada Al Shabaab oo soo xirta dharka haweenka iyo indhashareerka oo isticamaala wadadaas.

Sidoo kale Taliyaha Amniga ciidamada Dowladda Ex Contarool Afgooye Axmed C/laahi (Axmed Yare) ayaa ku qanciyay haweenka Soomaaliyeed ee xirta indhashareerka in ay sabraan inta ay ka xaqiijinayaan ciidamada dowladda amaanka iyo kala dambeynta.

Si kasta ha ahaatee waxaa maanta fariisinka isgoyska Ex Contarol Afgooye lagu arkayay ciidamo badan kuwa dowladda KMG ah oo baaritaano ku sameynaya dadka iyo gaadiidka Isticmaala wadadaas.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: