Xarakada Al-Shabaab oo ku mashquulsan sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen dowlad Islaami ah.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku dhawaaqaan, dowlad islaamiya oo laga yagleelo dhulka Soomaaliya, gaarahaan meelaha ay ka taliyaan Xarakada Al-Shabaab, taas oo looga gudbayo magaca Xarakada Al-Shabaab oo isqabqabsi xagga awoodda ah uu ka yimid mudooyinkaan dambe, taas oo laysku heysto hogaanka Uuruka.

sida ay ku waramayaan warar hoose oo ay heshay SomaliSwiss, Qorshahaan ayaa yimid ka gadaal markii, Al-Shabaab, garabka uu hogaamiyo Abuu Mansoor oo ka kooban inta badan hogaamiye yaasha gudiga fulinta ee xarakadaas uga jira qeybta Soomaalida ay heshiis xabad joojin iyo isku biiris ah wada galeen Xisbul Islaamkii, Xasan Daahir, kaas oo qodobada lagu heshiiyey ee hoos laysugu sheegay ay ka mid ahaayeen, in marka hore lagu midoobo magaca Al-Shabaab, ka dibna laba bilood gudahood lagu dhawaaqo dowlad Islaamiya, taas oo la sheegay in taageero looga haysto oo ay ku qanacsan yihiin Ajaaniibta xarakada ka bar bar dagaalanta.

Hase yeeshee, tartanka qarsoon ee awood kala marooqsiga u dhxeeya xarakada Al-Shabaab gudaheeda oo muddo soo socday, hadana u muuqda inuu sii xoogeystay ayaa imaanshaha Xasan Daahir, ee Al-Shabaab waxay soo dedejisay in garabka kale ee Ibraahim Xaaji Meecaad iyo Axmad Godane ay isla markiiba ka muujiyaan welwelka ay ka qabaan Xasan Daahir, taas oo ay iyagu doonayeen in afka ciidda loo daro si uusan awood ugu noqon garabka kasoo horjeeda, laakiin taas waa u suurta geli waysay.

Garabka Abuu Mansoor iyo Fu’ad Shongale ayaa si toos ah ugu sheegay Xasan Daahir inuu kusoo biiro garabkooda, isla markaasna lawada qaato magaca Al-Shabaab, halka tilaabada xigtana laysku sheegay inay noqoto, ku dhawaaqista Dowlad Islaamiya, taas oo uu isla markiiba soo dhaweeyay Xasan Daahir oo fiirinayay in dani ugu jirto arrintaas, laba arrimood oo kala ahaa, Awoodiisa oo yareyd, iyo inay sii kala fogaanayaan xubanaha Xarakada Al-Shabaab darteed.

Ciyaarta dhex mareysa qeybaha isku haya awoodda Al-Shabaab oo hadda mareysa marxaladdii ugu adkeyd ayaa haatan mareysa meel adag, iyadoo saddexdii habeen ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho, gaarahaan Dayniile oo ay ku xoog badan yihiin Shababku ay ka bilaabatay in ay kala maataan kooxaha kala taageersan Godane iyo Abuu Mansoor.

Iskusoo wada duuboo, hadda waxaa wada hadal adag u socdaa, kooxda Abuu Mansoor oo guud ahaan kuwada faraxsan inay dhistaan dowlad islaamiya, hase yeeshe aan weli isla fahmin, meesha laga dhigayo saldhigga dowladdaas oo laysku hayo Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, waxaana qorshuhu yahay, markii laga gudbo qodobkaas wixii ka dambeeya in lala tashado xubnaha sare ee Ajaaniibta uga jira Shabaab, ka dibna lagu dhawaaqo, taas oo haddii ay dhacdo meesha ka sareysa taladii Ibraahim Meecaad iyo Axmad Godane oo iyaguna dagaal kala ugu jira inaysan hirgelin arrintaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: