Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo guddiga Dastuurka ka codsaday in mudo bil ah lagu soo diyaariyo Dastuurka Qaranka.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga Dastuurka loogu baahan yahay inay ku soo l sameeyaan Dastuurka dalka ka hor inta uu dhamaanin waqtiga u harsan dowladda KMG.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa  saxaafadda u sheegay in Darstuur u samaynta dalka Soomaaliya uu u baahan yahay shaqo badan iyo in laga shaqeeyo xiliga u dhiman dowladda KMG Soomaaliya si loo ogaado is badalada soo socda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in mudo 30-maalin ah lagu soo diyaariyo Dastuurka dalka loona ogaado waxa qabsoomay bilaha horey iyo wax dib loo dhigay, isagoo sheegay in 30-kaasi maalin kadib la horgeeyo barlamanka si uu u ansixiyo.

Hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu sheegay in inta uusan dhamaanin xiliga u haray dowladda ka hor la rabo in Dastuurka lagu diyaariyo si loo ogaado xiliga kala guurka, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda ay ansixisay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu sheegay in loo baahanyahay in uu hergalo, isagoo carabka ku dhiftay in mudo 20-sano ah uu bur bursanaa dalka, wuxuuna sidaasi owgeed uu tibaaxay in loo baahanyahay xal siyaasadeed oo ku jira Dastuurka dalka.

Sida la wada ogsoon yahay Dastuur samaynta dalka Soomaaliya ayaa waxaa horey isugu khilaafay Madaxweynaha dowladda KMG Soomalaiya iyo Ra’iisul wasaarihii Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen taasi oo keentay in Xildhibaanada barlamanka KMG ay laka saftaan labada Mas’uul, iyadoo ugu dambayntii uu xilka isaga dagay Ra’iisul wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: