Maamulka cusub ee VOA-Somali oo sanadkan, idaacadda ku furay been ka sheegida Website-yada Soomaalida.

Halkaan ka akhri

Haaruun Macruuf oo ka mid ah Suxufiyiinta loogu jecel-yahay idaacada (VOA-Somali) ayaa arin la yaab leh ku tilmaamay, wareysi idaacada ka baxay oo lagu sheegay in Sanadka 2010-ka Website-kii ugu wanaagsanaa Soomaaliya uu ahaa Web Hargeysa laga leeyahay oo magaciisa lagu sheegay (Hadhwanaagmedia) oo laga daalacdo oo keliya Somaliland.

Suxufi Xuseen Bare Aadan  oo  daadihinayay Barnaamijka (Martida Maykarafoonka) ee lagu casumay nin lagu magacaabo Axmed Jabriil ayuu ku sheegay in kulan ka dhacay magaalada London lagu gudoonsiiyay Abaal-marinta Website-yada Soomaaliyeed kan ugu fiican ee sanadka 2010-ka, iyadoo la og-yahay in aysan jirin goob lagu tartan siiyay Website-yada Soomaaliyeed, marka laga reebo qolooyin Somalilander u badan oo xaflad inta ay qabsadeen ay ku sheegeen in Webabka gooni isu-taaga Somaliland u dagaalama uu hormuud u yahay (Hadhwanaagmedia).

Haaruun Macruuf oo barnaamishkan xayeeysiinta loogu sameynayey Webkan dhagaha Soomaalida ku-cusub,maalintaas ka maqnaa Idaacada ayaa kula taliyay Tifaftirayaasha VOA-Somali in raali-gelin-buuxda la-siiyo Webabka Soomaaliyeed oo lagu been-abuurtay,maadaama aysan dhicin goob cod loogu qaaday tartana loo qabtay Webka ugu wanaagsan sanadka 2010-ka,wuxuuna arin lagu qoslo ku tilmaamay in Web hal Gobol oo keliya laga akhristo,in maanta xayeeysiin beenaad looga sameeyo Idaacad ay dhageysanayaan dad wax-bartay oo aqoonyahanno ah

Suxufi Haaruun oo Qaxwe ku cabayey Baar ku-yaal Washington-DC ayaa isku dayey inuu hakiyo Barnaamishka (Martida Maykarafoonka)oo lagu wareysanayey shaqsi sheegtay inuu iska-leeyahay Webka loogu jecel-yahay Soomaalida ee sanadka 2010-ka,laakiin Suxufi Xuseen Bare ayaa ganafka ku dhuftay taladii iyo waanadii loo soo jeediyay,wuxuuna ku adkeystay inuu daadi-dihin-doono Barnaamiskan xayeeysiinta loogu sameynayey Web Hargeysa laga leeyahay,laakiin Xuseen Aadan Bare wuxuusan ku xisaabtamin inay jiraan Suxufiyiin ka aqoon-badan kuna taqasusay inay toosh ku ifiyaan beenta uu dhoo-dhoobayo iyo khaladaadka uu Saxaafada ka gelayo,maadaama uu ku been-abuurtay Webabka Soomaaliyeed oo aysan jirin meel lagu tartansiiyay

Akhristoow dhageyso beenta (VOA-Somali)iyo xayeeysiin loo sameynayo Web ku cusub dhagaha Soomaalida oo lagu sheegay inuu sanadkii tagay ee 2010-ka uu ahaa Webka ugu wanaagsan ee Soomaalida,waxaana is-weydiin mudan Idaacada malaha miyaa Tifaftirayaal saxa khaladaadka  ka baxa,maaadaama sida aan ognahay Webkan uu Xuseen Bare xayeeysiinta u sameeyay iyo Webabka Soomaalida aysan jirin tartan lagu qabtay Magaalada London,hadaba waxaan kula talinayaa Idaacada VOA-Somali inay saxaan khaladaadka ay caadeysteen Suxufiyiinta aan aqoonta laheyn ee meel ooga dhacaya sumcadii Saxaafadda

Dhageyso Xayeeysiin beenaadka loo sameeyay Webkan ku cusub Dhagaha Soomaalida:

://www.voanews.com/somali/news/Martida-Makarafoonka-Soomaalida-iyo-Warbaahinta-Casirga-ah-112124449.html

Qalinkii:Qoraa Sare Tiibo-Talyaani
Email: Tiibo_Talyaani@hotmail.com

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: