Hey’adda cunada Adduunka ee WFP oo shaaca ka qaaday in ay gargaar deg deg ah gaarsiinayso dadka Soomaaliyeed ee ay Abaarta ku habsatay.

Halkaan ka akhri

 

Hey’adda Cunada Adduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobay ee loo yaqaana marka magaceeda lasoo gaabiyo WFP ayaa sheegtay in ay qaadayso talaabooyin deg deg ah oo ay ugu gar gaareyso dadka Soomaalida ah ee saameeyay Abaaraha bahsan ee ka jira Koofurta iyo Bartamaha dalka.
Hey’adda ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarinayso talaabooyin gar gaar deg deg ah oo ay u fidinayso inta u dhaxeysa boqol iyo lixdan kun ilaa hal milyan oo qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo si xun ay u saamaayeen Abaaraha baahsan ee ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolada ay colaaduhu ay ka jiraan ee dalka Soomaaliya.
Sodoo kale Hey’adda WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 17-Milyuun iyo 7-boqol oo kun doolar, si ay u dar dar galiso howlaha gar gaarka ee loo fidinayo dadka Abaaruhu ugu geeriyoonaya qeybo ka mid ah Koofuta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duba ridka howlaha bini’aadanimada ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay bilaabeen in ay ka cararaan deegaanadooda sababo la xiriira Abaarta xoogan ee ku dhifatay halka ay ku nool yihiin.

Waxaa kaloo Xafiiskan uu sheegay  in Somaliland iyo Puntland ay iyana ka mid yihiin goobaha ay saameeyeen Abaaraha, isagoo intaasi sii raaciyay in gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee iminka ay dhibaatadu abaaraha ku haystaan Soomaalida.

Dhanka kale waxaa dadka ku dhaqan gobolada Dalka Soomaaliya waxaa ay ka cabanayeen dhibaatooyin adag oo la xiriira Abaaraha, iyadoo dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed ay sheegeen in loo baahanyahay in loo gurmado dadka ay Abaaruhu ku dhifteen.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Hay’adaha Samafalka in muddo ahba caqabad ku ahaa Ururro Diimeydka ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka Xarakada Al-Shabaab oo horey uga mamnuucay in Hay’adaha gar gaarka ay ka howlgalaan goobaha ay ka taliyaan, waxayna ku eedeeyay Hay’adahaasi in ay xiriir la leeyihiin Kaniisada Caalamka, hase ahaatee su’aasha meesha taala waxay tahay ma aqbali doontaa xarakada Al-Shabaab inay Hey’adaha Samafalka ka howlgelaan meelaha ay maamulaan.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: