Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay wax qabadka dowladda Sanadkii tegay ee 2010-ka.

Halkaan ka akhri

Hambalyada sanadka cusub * 2011-ka

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siinayay laanta af  Soomaaliga ee VOA, ayaa waxaa uu ugu habaliyeeyay Umadda Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan sanadka cusub ee 2011-ka.

Intaasi kadib ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii dowladda u qabsoomay sanadkii 2010-ka, isagoo sheegay in inkastoo waxyaabihii ay doonayeen dhamaantooda ay u qabsoomin ayaa hadana waxaa uu sheegay in ay wax badan u suura galeen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid yihiin :

1 – Dhinacyadii isaga horjeeday Siyaasadda Soomaaliya oo dhistay hal dowladda taas oo timid Muqdisho oo xaladaydu aad u xun tahay.

2 – Dowladda  iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanay in ay ku guuleysteen inay dhistaan Xukuumad ka kooban 18-wasaaradood oo ay hogaan u yihiin dad aqoonyahano ah.

3 – In Dowladda ay  dib u dhis ku sameysay Ciidamada qalabka Sida sida Xoogga Dalka, Boliiska iyo Asluubta ilaa haatanna ay socdaan howlahaas.

4 – adeegyada bulshada sida Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha oo in si ka wanaagsan sidii hore ay u shaqaynayaan.
5 –  In Dowladda ay ku guuleysatay sameynta Miisaaniyadda sanadka 2011-ka ay ku howlgalayso Xukuumadda.

6 – In Dowladda ay dib u howlgelisay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

oo uu sheegay in uu shaqaynayo, isagoo oo idil uu ku tilmaamay.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu sheegay in arimahaas ay ka mid yihiin  Aas-aaska iyo Astaamaha ay dowlad yeelan karto, hase yeeshee wuxuu caddeeyey  in sanadkaan cusub ay qoorshaynsan tahay in lasoo gaba-gabeeyo Dastuur u samaynta dalka Soomaaliya kaas oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan guddiga Dastuurka ayna ka wada shaqaynayaan barlamanka iyo Xukuumadda KMG Soomaaliya, waxana uu carabka ku dhiftay in Dastuur u samaynta dalka kadib qorshahooda uu yahay in ay wax ka qabtaan amniga, adeegyada bulshadda, in wax loo qabto dadka ku dhibaataysan wadanka dibadiisa iyo in dhalinyarada ay waxbarasho helaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: