Bulshada Reer Muqdisho oo sheegay in dagaalkii xalay uu daah fur u ahaa soo dhoweynta sanadka cusub ee 2011.

Halkaan ka akhri

Dagaalkii ka billaabmay shalay galab oo Socday Xalay, soona gaaray ilaa Saakay ayaa ahaa Dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca mudooyinkan magaalada Muqdisho, dagaaladan ayaa waxay ka dhaceen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda waaweyn.

Sida la sheegay Madaafiicda noocyadeeda kala duwan sida Madaafiicda BM-ka ee ridada dheer iyo kuwa Taangiga ayaa laga maqlayay Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.

Hase yeeshee dadka reer Muqdisho ayaa xalay waaga ugu baryay duqeymaha soconayay saacadaha faraha badan, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo xalay sanadka cusub soo jeed waaga ugu baryay, dhawaqa madaafiicdana ay u badashay baarudii loogu dabaal degi lahaa sanadka cusub.

Madaafiicda badankeed ayaa laga tuurayay xarunta ugu weyn ee AMISOM ku leeyihiin Xalane iyo Dekeda Muqdisho, halkaas oo aan mudooyinkan madaafiic laga tuureyn, balse marka ay timaado xilliyada wax tuurka ay dadka reer Muqdisho aad uga argagaxaan hugunka madaafiicda ay adeegsanayaan darteed.

Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay dagaalada, iyadoo sheegtay inuu ahaa dagaalkii ugu ballaarnaa oo ay qaado, kadib markii ay ka war heshay dhaq dhaqaaq ay sameynayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii xalay kaga dileen AMISOM ilaa 15-askari, taasi oo aan la ogeyn xaqiiqada dhabta ah.

Sida lagu soo warramay dagaalka xoogiisa ayaa  waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Boondheere oo shalay Al-Shabaab ay halkaas geeyeen ciidamo ay ka keeneen Gobolada deriska la ah Banaadir.

Sidoo kale Warar ayaa sheegaya in dagaaladii xalay khasaare xoog leh ka soo gaaray Al-Shabaab, hase ahaatee lama xaqiijin karo tirada rasmiga ee dagaaladii xalay uga dhimatay, hase ahaatee  khasaarihii xalay ayaa ahaa mid dhinacyadii dagaalamayay ku koobnaa.

Dhanka waxaa la xaqiijiyay 5-qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaaladaas, kadib markii Madfac uu ku dul habsaday guri ay ku sugnaayeen ee ku yaala xaafadda Geed-jaceyl, waxaana jira dhaawacyo kale.

Dagaaladii xalay oo daah fur u ahaa soo dhoweynta sanadka cusub ee 2011, kaasoo dad badan ay filayeen in Shabaabka ay qaadi doonaan weeraro ballaaran.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay aan looga dabaal degin sanadka cusub 2011ka, hadana dadka reer Muqdisho waxaay si dareen ku jiro ula socdeen in isbedelka dabaal dega ay noqon doonto dagaalo iyo madaafiic lagu soo dhoweeyo sanadka cusub.

Si kasta ha ahaatee ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda KMG iyo AMISOM oo ku aadan dagaaladii cuslaa ee shalay ilaa xalay si xiriirka ah uga socday magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: