Advertisements

Xildhibaanada Baarlamanka oo dowladda ugu baaqay sidii loo deyn lahaa dhalinyaro ku xir-xiran dalka dibadiisa.

Halkaan ka akhri

Xildhibaano tiradoodu gaarayso ilaa 50 qof oo ka tirsan Barlamanka KMG ayaa shalay kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ,waxayna ka wada hadlayeen dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhibaataysan xabsiyada ku yaala wadamada qaarada Afrika.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa ugu baaqay wasaarada arimaha dibada xukuumada KMG Soomaaliya in ay wax ka qabato dhalinyarada Soomaalida ee ku xir xiran dalalka afrika sida Botswana, Zambia, Angola, Liibiya, K/Afrika, Kenya iyo wadamo kale oo kuyaala qaarada Afrika.

Gudoomiyaha gudiga Warfaafinta Barlamanka KMG Soomaaliya Cawad Axmed Cashara oo kulankaasi kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka ay ogaadeen in ilaa 61 wadan oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo uu tilmaamay in qaarkood la damacsanyahay in dalka dib loogu soo celiyo.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay xukuumada KMG Soomaaliya in ay u istaagto sidii ay wax uga qaban laheyd dadka Soomaalida meel kasta oo ay ku dhibaateysanyihiin islamarkaana ay u soo celiso xaquuqdii dadkaasi ay lahaayeen.

Dhanka kale Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in wadamo ay horay Soomaaliya ugu soo gacan siisay xornimadoodii haatanna lagu dhibaateeyo dad Soomaali ah, halkii laga ixtiraami lahaa, waxaana wadamadaasi uu tusaale uga soo qaatay S/Afrika, Zababwi, Musambiig iyo Angola.

Si kasta ha ahaatee baaqaan Xildhibaanada Barlamanka ay u soo jeediyeen xukuumada KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhalinyaro farabadan oo Soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin xabsiyo ku yaala wadamada Afrika.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: