Advertisements

Madaxweynaha Dowladda KMG Sheikh Shariif oo caalamka ugu baaqay in ay gargaar la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ku dhufatay.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya  Sheikh Shariif sh. Axmed ayaa ugu baaqay wadamada caalamka, hay’adaha Samafalka Caalamiga ah  iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha baahsan ee ka jira gudaha dalkeena ay saameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaasheegay in Sanadkan aysan sidii la filayay u da’in Roobabkii deyrta, islamarkaasna ay dadku mcluul u geeriyoodeen halka ay xoolo badan u dhimanayaan abaaraha ka jira gobollada dalka, isagoo intaasi ku daray inay arrintaasi Qatar ku tahay Shacbiga Soomalaiyeed.

Hase yeeshee wuxuu Madaxweynuhu farta ku fiiqay in shacbiga Soomaaliyeed ay isugu darsoomeen abaaro iyo Colaado, sidaas darteed wuxuu alle uga baryay inuu ka badbaadiyo dhibaatada abaaraha, wuxuuna sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay guddi gurmad ah u saari doonto, si ay gargaar ula gaarto goobaha ay abaaraha ka jiraan.

Dhanka kale Madaxweyne shariif ayaa dalbaday in sidii sanadihii 2005-2006-dii loogu gurmaday abaarihii ka jiray Gobollada koofureed qaarkood in loogu gurmado shacbiga, waxa uuna xusay  inay jiraan waxyaabo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sida la ogsoon yahay R/wasaare Formaajo ayaa waxaa dhowaantan  ka codsaday Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka inuu guddi ka kooban 5 Xubnood u saaro sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaarahu.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: