Dagaallo aad u culus oo galabta ilaa caawa ka socda magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dagaallo aad u culus ayaa galabta ilaa caawa ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada AL Shabaab.

Dagaaladan ayaa la sheegay inay ka dhacayaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoysyada Dabka, Bakaaraha, Wadada Shaqaalaha iyo xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaaladan ayaa yimid kadib markii Ciiidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag waxaana markaas kadib degmooyinkaasi ka qarxay dagaal xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo mararka qaar ku dhacayay meelo ka baxsan goobaha labada dhinac ay ku dagaalameen.

Warar ka imaanaya goobaha dagaalka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan inay ku geeriyoodeen dagaalkan ilaa 4-qof, waa inta la xaqiijiyay, waxaana  ku dhaawacmay ku dhawad 10qof, kuwaas oo dhamaantood ay yihiin dad rayid ah oo ay haleeshay rasaasta iyo madaafiicda ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Madfac ku dhacay guri kuyaala inta u dhaxeya Igsoyska KM 4 ilaa Tarabuunka halkaasi oo ka mid ah goobaha sida xun ay uga dhaceen dagaalada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro soo kala gaaray Ciidamada dowaladda iyo Xarakada Al Shabaab, balse waxaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah, waayo waxaa la geli waayey goobaha dagaal oo adag ka socda.

Xaalada dagaal ee galabta ilaa caawa ka dhacay Xaafadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa ah dagaalkii ugu xoogana ee todobaadkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaana guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda laga maqlayay daryanka madaafiicda la is weydaarsanayay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: