Xildhibaanada Baarlamanka KMG oo maanta u kulansan in ay su’aalo weydiyaan Ra’isal wasaare Farmaajo.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ku kulansan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho Xildhiaanada barlamanka KMG Soomaaliya, kulankaasi oo la sheegay in uu hor imaanayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo, si ay xildhibaanada Barlamaanka ay su’aalo uga weydiyaan.

SaGuddooniye ku-xigeenka guddoonka Golaha Barlamaanka ayaa shalay Xildhibaanada barlamanka uu ku wargaliyay Xildhibaanada in ay soo xaadiraan fadhiga barlamanka, wuxuuna sheegay inuu maanta Fadhiga ka qayb galo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo wax laga wayndiin doono muushin maalintii Isniinta ay ka gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG kaasi oo ku saabsanaa shirkado shisheeye oo ay hishiisyo lagashay dowladda KMG.

Xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa gudbiyey Mowshino dhowr ah oo ay uga soo horjeedaan heshiisyo dowladda kMG la gashay shirkado ajaanib ah oo qaar ka mid ah shirkadahaasi howlo ka bilaabay Garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Hase yeeshee  waxaa si dhab ah loo ogayn natiijada ka soo baxda kullanka maanta xildhibaanada Baarlamanka su’aalaha ku weydiinayaan Ra’iisul Wasaaraha.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamanka fadhi ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda cusub ee sanadka 2011-ka ay ku howlgalayso Xukuumadda KMG Soomaliya.

SomaliSwiss   Muqdsiho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: