Shirkaddii SARACEN oo Soomaaliya geysay Diyaarado yar yar iyo Gaadiid Ciidan oo fara badan.

Halkaan ka akhri

Shirkadda la sheegay inay ka shaqeyso howlaha nabad gelyada ee Saracen oo ay dhowaan sheegtay dowladda KMG ah inay heshiis lasoo gashay ayaa Soomaaliya ka dejisay, diyaarado yar yar oo nuuca wax lagu ilaaliyo ah iyo Gawaari ciidan oo fara badan.

Shirkaddaan oo sidoo kale heshiis hore ula soo gashay maamul goboleedka Puntland isla markaasna muddo ku sugneed gobolladaas intii aysan Heshiiska lasaxiixan dowladda KMG ah ayaa ilaa iyo hadda maamulka Puntland u tababartay 150 askari oo ah dufcaddii ugu horeysay ciidan gaaraya 1000 askari oo maamulkaas lagula heshiiyay, kuwaas oo dhameystay tababar socday 4 bilood, waxaana 1-dii bishaan aan ku jirno lagu qalabeeyay, 120 Gaari oo ah nuuca Landcruiser Pickup Truck, kuwaas oo inta badan Africa loo isticmaalo ciidamda.

Warar kale oo laga helayo Wakaaladda Wararka ee AP iyo ilo kale oo dhammaan xiganaya masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegaya, in shirkaddu deegaannada Puntland ka dejisay 6 diyaaradood, oo ah nuucyada yar yar ee lqumaatiga u kaca, kuwaas oo loo isticmaalo safarada kala duwan ee meelaha aan fogayn iyo ilaalada xeebaha, waxayna wararku intaas ku darayaan inay yihiin kuwa yar yar oo qaadi kara 4 qof ama ka yar.

Wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Faroole ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay inay diyaaradahasi shirkaddu keentay, isagoo intaas ku daray, in Soomaaliya oo dhan wax diyaaradaha nuucaas ah haystaahi aysan jirin xittaa AMISOM iyo dowladda KMG ah.

Dhinaca kale warar laga helay Muqdisho ayaa sheegaya in shirkaddaasi magaalda Muqdisho gaarsiisay 8 Baabuur oo ah nuuca aysan rasaastu karin, kuwaas oo ay jiritaankooda tebinayaan wakaaladaha wararka iyo dad madax banaan oo tegay  madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba ha noqotee, dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda, ayaa shaki weyn ka muujiyay heshiisyada qarsoodiga ah ee lala gelayo shirkadaha madaxa banaan ee nuucaan ah oo lagu yaqaanno adduunka meeshii ay tagaan inay ka fuliyaan qorsha yaal ka baxsan wixii lagu ogaa, iyagoo xittaa mararka qaarkood fuliyo howlo qatar gelinaya dalka ay ka howl gelayaan.

Markii laga soo tago Shakiga Soomaalida, waxaa walaacaas mid la mid ah kasoo yeeray, Qaramada midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Midowga Afrika, Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo kulligood muujiyay, in shirkaddaas ay uga sii darayso xaaladda dalka Soomaaliya, isla markaasna aysan jirin sharci u fasaxaya Shirkada hub isticmalaysa inay ka howl gasho Soomaaliya, maadaama cunaqabatayn hubka ah saaran tahay.

Waxaa sidoo kale Shakiga sii badiyay oo holac kusii shubay dowlad carbeed oo la sheegay inay bixinayso dhammaan qarashka ku baxaya tababaradaan iyo shirkaddaba, iyadoo ay intaas sii dheer tahay, in shirkadda howlaheeda ay fulinayaan oo ay gacanta ku hayaan qubaro ka tirsanaan jirtay wakaaladaha sirdoonka Mareykanka CIA iyo CCB-da K/Afrika.

Dowladda KMG ah waxay sheegtay inay shirkaddaan kula heshiisay arrimo ay ka mid yihiin:

* Tabbabarka Ciidamada nabad sugida iyo kuwa Booliska
* La dagaalanka argagaxiisada
* Tabbabarka Ciidamada gaarka ah ee ilaalin doona madaxda Dawladda iyo waxyaabo kale.

Walaaca ay muujinayaan dadka Soomaaliyeed iyo caalamka ayaa waxaa muuqata in durbaba ay soo baxayaan billoowga dhibaatada soo socota, ka dib markii dowladda KMG ah ay sheegtay inaysan waxba kala socon heshiiska ay wada galeen Puntland iyo Saracen.

Sidoo kale, Diyaarad la sheegay inay saarnaayeen saanado Meleteri oo 11-kii bishaan ay qabteen maamulka Somaliland ayaa la xaqiijiyay inay ku rarnaayeen qalab ciidan oo u badan dhar iyo nuucyo kale oo hub ah, sida ay faafinayan wakaaladaha qararka qaarkood oo xiganaya  masuuliyiinta deegaankaas.

diyaaraddaas oo weli baaritaan ku socdo ayaa kasoo duushay K/Afrika, ka dibna soo martay Ugandha, hase yeeshee Qaramada midoobay iyo wadamada adduunka intooda badan ayaa arrintaas haddii ay sax noqoto ku tilmaamay inay tahay ku xad gudub, cuna qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo mamnuucaysa in Soomaaliya hub lageeyo, marka laga reebo Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: