Maxkamadda Sare ee maamulka Somaliland oo xukun ku riday duuliyeyaal u dhashay Wadanka Ruuska.

Halkaan ka akhri

Maxkamada Sare ee Maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta Magaalada Hargeysa xukun ku riday lix duuliyayaal oo dhawaan ciidamada Somaliland ay ku qabteen xili ay diyaarad wadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Dhamaan Ā Duuliyaashan ayaa la sheegay inay u dhashay dalka Ruushka waxaan Toddobaad ka hor gacanta ku dhigay Ciidamada amaanka ee garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport xili ay wadeen diyaarad la sheegay inay saanad militari u waday Maamulka Puntland oo Somalilland ay xaduudwadaagaan.

Sidoo kale Maxkamada ayaa duuliyaasha ku xakuntay min hal sano oo xarig ah iyadoo Maxkamadu ku amartay dadkan in ninkiiba uu bixiyo aduun lacageed oo gaaraya $500.000kun oo doolar taasi oo markii la isku daro noqoneysa 3 milyan oo doolar.

Dhanka waxaa lagu soo warramay in duuliyayaashan ay u dhasheen dalka Ruushka ayaa waxaa ayaamahan Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Haregysa, waxaana qaarkood ay difirayeen eedeymaha ay u soo jeedisay Somaliland oo ah inay hub u wadeen Maamulka Puntland.

Hase yeeshee Xaakin Maxdakamada Hargeysa ayaa sheegay in dadkan loo ogolyahay inay iibsadaan mudada sanadka ah ee xukunka lagu riday, waxaana sidoo kale Somaliland ay la wareegtay dhamaan qalabkii ay wateen ragaani, halka diyaaradii ay wadeena lagu xakumay in laga qaado 23 milyan oo Somaliland ah.

Si kasta ha ahaaree ilaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo la sheegay in uu lahaa qalabka militari ee Maanta Somaliland ay la wareegtay, waxaana xukunka duuliyayaashaa soo dhaweeyay shacabka reer Hargeysa.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: