Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) oo sheegtay in ay wax ka qabanaysa xaalada Caafimaad daro ee kajirta dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ay Magaalada Nairobi ka soo saartay Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) ee hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sheegtay in ay wax ka qaban doonto xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayaa sheegtay in ay si deg deg ah wax ugu qabanayso xaaladaha bini’aadnimo ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in howlaha Caafimaadka ay kala kaashan doonto Ururada caalamiga ah ee dhinaca bini’aadanimada.

Hay‘adda ayaa waxaay caddeysay in 2-Milyan qof oo Soomaalia ah oo 1.46 ay yihiin dad barkacayaal ah ay u baahan yihiin taageero bini’aadanimo oo dhinaca Caafimaadka, waxaana ay sheegtay in dadku ay yihiin kuwo ay saameeyeen dhibaatooyinka dagaalada iyo abaaraha ka jira Koofurta iyo baratamaha Soomaaliya.

Dhanka kale Hay’addu waxay  intaas ku dartay in ay jiraan dad aad ula daalaa dhacaya Xanuuno kala duwan sida Maleeriyada, shuban biyoodka iyo Jadeecada oo intooda badan ay faro ba’an ku hayaan Caruurta yar yar iyo dadka da’da ah, waxaana ay sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo u gaarsiindoonaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hase yeeshee Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO ayaa horay u sheegtay in kaalmo deg deg ah ay gaarsiin doonto dadka ku dhibaataysan Soomaaliya oo dagaalada iyo abaaraha ay saameeyeen, waxaana hadalka kasoo yeeray Hay’adda uu imaanayaa xili qaar ka mid ah gobolada dalka ay kasoo yeerayso qaylo dhaan baahsan oo ku aadan abaaraha iyo xanuuno saameeyay caruurta yaryar.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: