Dadka Ajaanibka ah ee doonaya in ay guursadaan Haweenka ama Ragga Swiss-ka ah oo la adkeeyay.

Halkaan ka akhri

BERNA –laga billaabo 1da Bisha jannaayo 2011ka waxaa dadka Ajaanibka Sharci la’aanta ku jooga dalkan Switzerland lagu adkeeyey inay Guursan karin Gabar ama Wiil u dhashay Swisska , dadkan oo la sheegay inay diyaar u yihiin in loo dhoofiyo ama loo tarxiilo wadamadii ay u dhasheen.

Saraakiisha Xafiisyada rayidka ah ee Kantoonada dalkan Switzerland  ayaa loo xilsaaray inay door muhim ah ka qaataan sidii ay uga hortagi lahaayeen Guurka laga mamnuucay dadka denbiilayaasha ah ee dalka Swissku ku jooga sharci darrada, waxaana Saraakiishaas lagu wacyi geliyey inay isticmaalaan nidaamka u degsan  Guurka Rayid ah.

Sidoo kale bisha jannaayo Xafiiska guurka rayd wuxuu weydiin doona dadka Ajaanibka ah ee guursanaya haweenka  iyo Ragga Swisska ah sharciyada ay ku joogaan dalka Swisska ama haddii ay haystaan Viiso dal ku joog ah, sidaas awgeed waxaa saraakiisha lagu amray inay Boliiska uga yeeraan labada is guursanaya  haddii ay caddeyn waayaan sharci ahaantooda, si tallaaba sharciga waafaqsan loogu qaado.

Nidaamka Cusub ee lagu soo rogay dadka Ajaaninka ee doonaya in guurka ay ku helaan sharciyada lagu joogi kara dalkan Switzerland ayaa waxaa sidoo kale ku dhaqma wadamo ka mid ah yurub sida : Danimarka, Norway, Holanda iyo Ingiriiska, hase yeeshee arrintan waxaa si xoog badan uga soo horjeeda Axsaabta Siyaasadda Bidaxda ah.

SomaliSwiss      Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: